Farhan A/Rahman

Farhan A/Rahman

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Farhan A/Rahman, Addis Ababa.

06/06/2026

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland oo la hadlay Majalada The Reporter ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay iney walaalahood Itoobiya ay ka caawiso sidii ay heli lahaayeen badd.

Wariyaha ayaa waydiiyay wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland. "Waa sidee hada xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland.?"

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland ayaa ku jawaabay.

"Itoobiya waa mid kamid ah saaxiibada noogu dhow ee aan gobolka ku leenahay, Itoobiya marwalba waxay noo ahayd Dal aad muhiim noogu ah, waligeedna way ahaan doontaa, xidhiidhkeenu marnaba isma bedelin, marwalba waa fiicnaa, waxaana u aragnaa xidhiidhka aan Itoobiya la leenahay mid aad muhiim noogu ah, wax dhibaato ahna gebi ahaanba ma jirto."

Wariyaha ayaa hadana waydiiyay. "heshiiskii isfahanka ahaa (MOU-ga) waxaa la sexeexay xiligii Madaxweynihii h**e ee Somaliland, Muuse bixi, hada Madaxweyne Ciro ayaa Xafiiska la wareegay sanadkii h**e, marka ma waxbaa iska bedelay siyaasadii h**e ee (Somaliland.)

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland ayaa markale ku jawaabay.

"Maya wax isbedel ah ma dhicin, annagu marwalba waxaan diyaar u nahay inaan Itoobiya kala xaajoono wax kasta oo dani ugu jirto labada Dal, waxaan fahansanahay muhiimada ay Itoobiya u leedahay iney hesho marin baddeed, waan fahansanahay, Itoobiya waa walaalaheen hadii ay jirto si aan u caawin karno marwalba diyaar baan u nahay."

06/06/2026

Liibiya waxaa kasocda Xarig iyo Musaafirin xooggan, dadka waxaa laga qabanayaa jidadka, meelaha ay deganyihiin iyo meel kasta oo lagu arko.

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay Dadkii ugu badnaaa yaa laga qaqabtay magaalooyinka dalka Liibiya sida Tripoli, Benghazi, Khoms, Tobruk, Zawiya iyo Zabratha.

Inkasta oo Labo Maamul oo iska soo horjeeda ay kala xukumaan dalka oo midna Dowladda la aqoonsanyahay tahay midna Khaliifa Xaftar tahay haddana waa ka simanyihiin Mashruucan beegsiga muhaajiriinta ah.

Soomaali badan ayaa la qabtay maalmihii lasoo dhaafay kuwaas oo qeybna Xabsi lagu guray, qeybna lasoo tarxiilay, inta badan Dadka la qabtay waa Dad kuwajahnaa qaaradda Yurub.

02/06/2026

DEG DEG: 🚨🚨🚨kadib hadalkii Iran kasoo yeeray ee ahaa in ay weerari doonaan waqooyiga IsraIl, waxaa telefanka kuwada hadlay Trump iyo Xisbullah sidoo kale Trump iyo Netanyahu. Trump ayaa ku dhawaaqay in IsraiL aysan gali doonin Beyruut. Xisbullah na rasaasta ay kuwado Israail way joojin doontaa sida uu soo qoray President Donald J. Trump.

Want your business to be the top-listed Advertising & Marketing Company in Addis Ababa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Addis Ababa
5