Qaran doon

Qaran doon

Share

No

24/08/2022

Nin taksiile ah ayaa wuxuu dhahay waxaan soo qaaday Maamo wayn iyo gabadheeda.

Gabadha waxay ka hadlaysay ninkeeda dhibka uu ku hayo, inuu mararka qaar iska xanaaqayo markay sameyso wax uusan u sheegin

Maamadii waxay ku tiri gabadheeda sida uu yahay ninkaaga kula dhaqan.....fiiri aniga iyo abahaa 30 sano ayaan is qabnaa,nolosheena waa caadi dhib k**a jiro waana is fahanaa sababta mataqanaa wax walbo uu yiraahdo waxaan ugu jawaaba waayahay xaaji waan sameynayaa anigoo dareensiinayo inuu asaga i xukumo laakiin waxaan sameyaa waxa aan aniga rabo.

Ma ogtahay ragga waa doqomo markay is xanaajiyaanba hal eray aad tiraahdid ayay ku dagayaan ama ku aamusayaan?

Taksiilihii wuxuu dhahay islaantii way iga xanaajisay dhiig karna way igu riday anigoo is xanaajinayo ayaan fiiriyay meesh ay fadhiyeen

Islaantii markay i aragtay waxay igu tiri adiga kuma jirtid wiilkayga qof aqli badan ayaad tahay Allaha ku dhawro

Anigoo dhoola cadeynayo ayaan sii jeestay mise waxaan maqlay ayadoo cod hoose ku leh ma aragtaa doqonimadiisa hal eray ayuu ku aamusay 😆

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Addis Ababa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address

Boli Michael
Addis Ababa