BAALI MEDIA
1️⃣ “The Voice of the People”
2️⃣ “Where People’s Voices Matter”
3️⃣ “Speaking for the People”
18/06/2026
Waxaa maanta bilowday Tartanka Kubada Cagta Gobolada deegaanka
Iyo isku aadka Group Yada
Group A
•Qoraxy
•Jarar
•Liban
•Erer
Group B
•Afdheer
•Doolo
•Siti
•Nogob
Group C
•Shabeele
•Dhaawa
•Fafan
Saadaasha saxda ah cidina ma ogaan karto ka hor ciyaarta, laakiin haddii aan ku saleeyo xamaasadda iyo taariikhda tartamada gobollada kulanka Qoraxay vs Jarar wuxuu u muuqdaa mid aad u adag oo isu dheellitiran
Saadaashayda:
Is reeb reebka
Group (A)
Qoraxay 2–1 Jarar
Waqti adag lagu kala baxo haddii tartanku sidaas oggol yahay.
Group B: Doolo 1-3 Afdheer ayaa u muuqda kuwa ugu cadcad inay kasoo baxaan.
Group C: Shabeele 2-4 Faafan waxay u muuqdaan kuwo tartan adag geli kara.
Sidoo kale dad badana indhaha ku hayaan.
Haddii aan hal koox u saadaaliyo koobka oo dhan, waxaan oran lahaa Fafan ama Qoraxay ayaa fursad wanaagsan leh.
Adiga yaad u aragtaa inuu ku guulaysan doono kulanka furitaanka, Qoraxay mise Jarar? ⚽🏆
03/05/2026
Hoggaan wax-ku-ool ah iyo horumar muuqda ayaa lagu xasuusan doonaa mudadii uu Guddoomiyaha Gobolka Erar ahaa Mudane Ahmed Sheekh Cali. Intii uu xilka hayay, waxaa Gobolka Erar ka hirgalay mashaariic waaweyn oo taabanaya nolosha bulshada, kobcinta dhaqaalaha, caafimaadka, iyo isku xidhka deegaannada.
Muddo 8 sano ah oo uu hoggaanka hayay, waxaa la hirgeliyey:
✅ Waddada laamiga ah ee isku xidha Baabili ilaa Iimay Bari
✅ Waddada isku xidha Fiiq, Yaxoob ilaa Sagag
✅ Saddex sayladood oo casri ah oo xoolaha lagu iibiyo
✅ Shaybaadhka xoolaha ee Fiiq
✅ Balaadhinta iyo casriyeynta Hospitalka Fiiq
✅ Bangiga dhiigga ee Fiiq (Fiiq Blood Bank)
✅ Warshadda Malabka ee Fiiq
✅ 44 guri oo wadajir ah (guryo wadareed)
✅ Xafiiska maamulka gobolka
✅ Ceel biyoodka qabalaha Tukaale
✅ Guryaha shaqaalaha caafimaadka ee qabalaha Jeerin
✅ 4 anteeno oo lagu balaadhiyey isgaadhsiinta
✅ Iyo mashaariic kale oo badan oo lagu qabtay miisaaniyadda degmada muddadaas.
Sidoo kale waxaa Socda Mashariicyo wawayn oo laga wado Dhamaan 8 degmo ee ay ka kooban yahay Gobolku
Waxaana Ugu muhiimsan Wadooyinka Isku xidha Degmooyinka Wayngay-Lagahida iyo Sallaxaad sidoo kale wadooyinka isku xidha Fiiq-Mayubuluqo & Qubi
Horumarkaasi wuxuu caddeyn u yahay hoggaan leh aragti fog, dadaal joogto ah, iyo u adeegid bulshada. Gobolka Erar maanta wuxuu leeyahay raad horumarineed oo muuqda, laguna xasuusan doono waxqabadkaas qiimaha leh.
Mid kamid ah Tiktokerska Deegaanada Ethiopia
Oo magalada Jigjiga kawaramaya ayaa dhahay Dadka Reer Jigjiga Iyo degaanka somaliduba waa Dad Aan ka yaabay oo yaqiintu ku wayn tahay
Waa Dad wada noolshaha Jecel maha Dad isku akgaajoon haya waxa ay haystaan ayay wax iska siiyaan k**a fikiraan Waxa ay bari cuni lahaayeen waxay jecel yihiin inay maanta Si qurux badan u noolaadaan'
Click here to claim your Sponsored Listing.