XOGTA

XOGTA

Share

Halkan kala soco xogta dalkaga hooyo
Waxan halkan kuugu so bandhigayna xogta dhabta ah

11/11/2024

Dhalinyaro diyaar ma tihiin?

Toddobada maalmood ee sosocota waxan halkan idin kula wadaagi doona 7 mawduuc oo aas'aasi u ah ganacsiga aad na u anfici doona qof walba oo raba inuu ganacsiga ka gaadho darajo wanagsan, maalin walba waxad heli doontan aragtiyo cusub, aqoon,khibrad,resources iyo talooyin wax ku ool ah oo wax ku darsada safarkiina ganacsiga iyo si guud aqoonta aad u leedihiin cilmigan, ugu dambayn maalinki siddeedad waxan qaban doona kulan fogaan araga ah(virtual meeting) aniga iyo shaqsiyaad aqoon dheer u leh cilmigan kuwaas oo idinka qiimayn doona Dhamman shaqooyinka iyo ducuments ka aad diyaarsateen inta baraamijku socdey.

Mudadas kadib hadii dadka ka faa'iidaysanayaa bataan oon dareemo wax baahi loo qabo inuu yahay waxan ku xijin doona 4 tababar oo khuseeya aqoonta ganacsiga sida digital marketing,branding iyo sida ganacsiga loga dhigo mid shaqeeya( operational), si guudna hadii sidan filayo dhalinyar badan ka faa'iidaysato toddobadka xiga waxan diirada saari doona Technology-ga.

Ugu dambayn Waxaa laga maarmaan ah in inta uu barnaamijkani socdo, aad dhisato dhamman dukumiintiyada aan halkan idin kula wadaago, xogta articles ku sidaana si fiican u fahantaan, sido kale fikradna sii diyaarso( hadad leedahay ganacsi jirana kaba sii fiican isaga ayad ku salayn).

Ujeedada guud een baraamijkan ka leeyahay waa in uu wax ka badalo fahankiina guud ee ku saabsan cilmigan sido kale uu ibfur u noqdo dhalinyar badan oo laga yaabo inay abuuran dhaqdhaqaq ganacsi oo wax ka badala horumarka iyo dhaqalahaa bulshadeena.

Photos from XOGTA's post 06/04/2024

QISADA JCYLKA UBAX.

Ubax Anshax waa mid kamida dhalinyarada caanka ka ah baraha bulshada wareysi laga qaadey oo socday in ku dhaw ilaa 45minite waxay kaga sheekaysay waayaheedii nololeed, waxay si weyn udul_istaagtay bilowgii jacaylkeeda iyo xiligii ay bilowday xidhiidh ay la sameyso wiil ay isjeclaadeen 2023kii waxay la ilmaysay, la oyday dareenkii jacayl iyo dhawr jeer oo uu khilaaf soo kala dhex galay.

Balse ugu danbayntii 2024kii ayuu qabyoobay jacaylkaasi ay uqabtay wiilkaasi oo ay sheegtay inay si dhab ah ujeceshahay.

Dhisitaankan jacayl iyo dareenkii caashaq ee ay uqabtay ayaa wali idhaheeda iyo wajigeeda la sii muuqda ubax.

Qisada jacaylkan ubax ee sheekadeeda ku duugan waxa kamida in labada qoys ee ay kasoo kale jeedaan ay isku ogaayeen, iyadoo waliba tilmaantay ubax in wiilka oo ay qarisay magaciisa uu ka soo jeedo Dhal Culimo.

UBAX sidoo kale waxay xustay intii ay waday qisada sheekada jacaylkeeda In gabadh ay saaxiibo yihiin oo lagu magacaabo "ayaan badan" oo ah saaxiibadeeda koowaad waxay xustay inay tahay la-taliyaha nolosheeda isla markaana ay qayb ka qaadatay inay bilowgii sanadka cusub ee 2024 oo ay kala cadhaysnaayeen jacaylkeeda ay AYAAN sabab u ahayd in ay isku soo celiso.

Habeenkaasna ay ubax u ahayd habeen farxadeed iyo mid ay dareemaysay Dareen Caashaq balse muu sii waarin kadiba waa kala cadhoodeen.

Ubax mar la waydiiyay sababta soo dadajisa kala tagooda iyo inay kala cadhoodaan ayaa waxay kaga jawaabtay inay sabab uyihiin dad ay ku tilmaantay BACTERIA oo ka shaqaynaya dhexdooda iyo inay kala tagaan.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Addis Ababa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Address

Mahamudabdirahman491@gmial. Com
Addis Ababa