Siman Style.
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Siman Style., Clothing Company, Khuriye mall, ground floor, Jijiga.
30/05/2026
Macawiisihii iyo go' shaalaadi u danbeeyey macmiil yaan lagaa dhameysan..
/+251-915145002 /+251904249207
ARAB KHURIYE MALL, JIGJIGA,DDS
Tiktok: Simanstyle7
Email: [email protected]
Following
23/08/2022
Walaalkeen Shamsadin Caydiid Cabdullaaahi(Gurays)
Oo yaala Lancet Hospital Addis Ababa ayaan laba cisho ka hor halkan idiinku so gudbinay xaaladiisa caafimaad iyo mida dhaqaale walaalkeen dhakhtarkii lagu qalay ayaa ku yeeshay lacag 80,000 oo bir oo yidhi ilaa aad keento lacagtii ma baxaysid waxaa intaa dheer in habeen kasta lacagtu ku kordhayso inta uu sii jiifo
Halkan ayaan kasoo baahinay xaalada walaalkeen kadib na ilaahay ayaa inoo suurta galiyay inaan u helo lacag 65,000 bir ah maanta ayaana u geeyay lacagtii walaalkeen waxaan u ducaynayaa walaalada kasoo jawaabay codsigaygii walaalkeena soo caawiyay
Ilaahay khayr badan ha siiyo way naga so farxiyeene alaha ka farxiyo walaalkeen u duceeya inuu ilaahay caafimaadka u taam yeelo
Cancer caloosha kaga dhacay waa laga qalay meeshii boogtu ahayd hadana wuu roonyahay waana dhaawac wali in ilaahay xanuunka sida kaga kaxeeyo faataxada uso mara walaal
Najiib aden................ 30,000
Wzkx marwo a aziiz..20,000
Abdi nuur.................... ..5000
Siman Charity.................6000
Eid ...............................2000
Layla ............................1000
Ahmed........................... 500
Ayaanle ...........................500
Alxamdulilaah ilaahay ayay mahadi u sugnaatay
https://wa.me/message/ZCEGNSUBBVDWB1
20/08/2022
Shamsadin Caydiid gurays waa walaal soomaaliyeed oo yaala Lancet Hospital Addis Ababa waxaana laga keenay hoodaale wuxuu ku xanuunsanayay halkaa mudo sadex sanno ah waa markii sadexaad ee uu qaliin galo dhawaan ayaa adiss la keenay xanuunka hayana waa cancer lacagtii qalitaanka markii dad ehel ah ay ka bixiyeen waxaa lagu leeyahay hada lacag 80'000 oo bir ah oo sariirta iyo dawo ah markay dhaheen waxba mahaysano...plaese share ðŸ˜ðŸ˜ðŸ˜
Waxaa lagu yidh k**a bixi kartaan dhakhtarka ilaa aad iska bixisaan lacagtan garo oo habeen kastana waxaa kusii kordhaya kharash hor leh oo ayna awoodin waa wiil aad danyar u ah maanta markaan gaadhay qalbi xanuun iyo murugo ayaan kala soo noqdey allaah waxaan u baryayaa inuu bukaankaa daynka dhakhtar ka ka bixiyo
Caafimaad sareec ahna siiyo maanta waxaan cod dheer idin kaga codsanayaa inaad soo caawisaan oo qof kasta wixii uu awoodo uu kaga qayb qaato walaalkeen waad dareemi kartaa xaaladan oo kle hadaad booskiisa is dhigto sida dareenkaagu noqon lahaa meeshu waa adiss ababa waana walaal soomaaliyeed oo danyar ah oo xanuunsan maanta hadey nu u istaagno waynu ka bixin karaa walaalkeen
Sawirada calooshiisa ka dheeho xaaladiisa dhabta ah
Lacagta lagu leeyahay 80'000 kun oo bir
https://wa.me/message/ZCEGNSUBBVDWB1
Siman cilmi 0929255180 adiss ababa
U gargaar baahanaha buka
11/07/2022
Mubaarik maanta ayaan u so helay madarasadii xifdiga quraan ka ah oo bodhin ah oo lagu xaroonayo
Maadaama mudo yar uun ka hor ahayd xiligii uu ku jiray nolashii adkayd ee darbi jiifnimada iyo xabagta ahayd ee ilaahay swt ka soo saaray waxaa u fiican in bodhin la geeyo takle ilaahay amarkiisa markasta
Wuxuu odhanayaa simaneey goormaad bodhin i gayn waxaan rabaa inaan sheekh noqdo oon quraanka xifdiyo marabo inaan nolashii ku noqdo nolashaydii h**e markaan xasuusto waan is nacayaa
Bodhinka lacagtiisu waa 6000 oo bir bishii ka hor intaan la xaraynin waxay dhaheen maamulka bodhinku soo diyaari sanduuq khamiisyo furaash iyo buste sabtida inta ka horaysa waa inaan intaa u diyaariyo insha allh sidaana aan ku xarayno
Wiilkan waxaan inagawada saaran masuuliyad anigana si gaar ah waxaaan rabaa inaan qaado masuuliyadiisa anigoon garanaynin cid uu yahay ilaahay dartii iyo inaan ka helo ajir iyo xasanaad
Sida uu ii sheegay waalidkiisu mawada noola
Hooyadey dharka ayay dadka u dhaqdaa ayuu i yidhi halkaa waxaad ka dareemi kartaa duruufteed nolaleed
Insha allh intaana xaraynin ka hor waa inaan hooyadii la kulmaa si ay u ogaato xaaladiisa
Sido kle waxaan caawa wacay telefan uu maanta iga soo wacay mise waaba gabadh aan aniga ehel dhaw nahay oo ii sheegtay inuu mudo 6 sanno ah gurigeeda kula noolaa maalinkii sadexda wakhti cuntada la cuni jiray oo uu habeenkii ka hooyan jiray nolashiisa ayay aad iiga sheekaysay waxay igu tidhi waligay waalidkiisa ma arkin lkn wixii aan u dhiibno wuu la ordi jiray oo hooyadey ayaan u gayn ayuu dhihi jiray bal hooyadii ayaan soo ogaan doonaa nolasheeda IA
Halkaa ayay maraysaa xaalada mubarik wixii soo kordha halkan ayaan kawada socon doonaa xogta oo aan idiin soo gudbino waxay noo sahashaa inaad soo caawisaan dadka danyarta ah kuwa buka iyo kuwa baahiyaha gaarka ah miisaaniyad dadka looma hayo lkn allah swt ayaa acc kiisa ka biila idinkuna garab iyo gaashaan ayaad noo tihiin
Wiilkan yar ilaahay ayaan amaano uga dhigaynaa allaaah ayayna amaanadiisu dayacmin
Caawa halkaa ha inoo joogto ............
https://wa.me/message/ZCEGNSUBBVDWB1
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Jijiga
Opening Hours
| Monday | 08:30 - 21:00 |
| Tuesday | 08:30 - 21:00 |
| Wednesday | 08:30 - 21:00 |
| Thursday | 08:30 - 21:00 |
| Friday | 10:00 - 21:00 |
| Saturday | 08:30 - 21:00 |
| Sunday | 08:30 - 21:00 |