Calanside media
haku hadlin hana qorin wax hadda kula fiican balse udaran mustaqbalkaada. feejignow.
Hooyo waa lama huraan.
Parents
Ma saxbaa sidaasu?
21/03/2022
Waa bilaash aduunyadu
Ninkii baraka moodaayow
Waa buraash ibliis uu watoo
Balo hugaameyso
Adoo balan lahaabuu
Wadku balaf ku siiyaaye
Buurdheer midkii saaran iyo
Ruuxii banaan yaalo
Ileen kaama bayroo wadkaan
Baaqasho laheene
Ha ubogin inaad xoolo badan
Boorso ku xareysay
Ama aad bakhaar leedihiyo
Baankii lacageedba...................
Waa been bakhaar yeelatoo
Badowgu noo beego
Bini-aadamkaa bi'inayoo
Basarxumada keenee
Baarigii na uumay isaga
Lagu bartow rabaye
Badbaadada waxa helay
Midkii boqorka weyneeyo
Waxa ba'ay midkii baalmaree
Sheydaanku buufsadaye
Inabixi baariyow markasta
Baahanaa nahaye🤲🤲🤲
Darbi adag ninkii dumin rabee dubbana aan haysan.
Bir dalooli kii maagayee cirbadna doondoonto
Dabaalnimo halkaasey dagtiyo doqonimo weyne
Waxaase kasii daran ninkii diin islaam duraye.
Isagaa is dooxayee miyuu dumin karaayaaba
Dan miyuu ka leeyahay ilaah daalimkaan doodaayo.
Ilaahey miduu dooraybaa dumarow iin roone
Damdamleynta gaalada war hoy darbi iskatuurkoda
Darajiyo hamoodina iney xaqiina doonayaan
Hadii ay dadnimo leeyihiin dux iyo iimaanba
Dumarkooda may wada dadaan diracna aan haysan.
Waa lagu duloobaa durduro diintoo laga fiirsan.
Waa wixii shabaab nagu diloo daqaro noo gaareen
Dalaq-dalaqdan baasiyo afkaan la iska doojaayo
Waa waxa daciifnimo nabaday duni islaaam maante
Diinyare damiiniyo markaad daliilba aad haynin
Dadkii h**e waxay noo darseen maah-mahyo door weyn leh
Afdaboolan dahabey dhaheen doqoni moog taase.
Daa'imkeen duruustiisabaa daahirnaan badane.
Diinta ilaahey ayaa lagu dawoobaaye
Adigoon dugsiba aadinoo dibad wareegaayay
Adigoon quraankaba darsinoo hoos usii daginba.
Dulbadanow rasuulkii (scw) adoon baran duruustiisa
Axaadiis adoon soo dulmarin bukhaari aan daawan.
Adigoon ka daalacan cilmiga culimo duubweyn leh.
Dood culus inaa noo furtaa waa daciifnimo'e
Dambina waxaa kuugu filan dacartaad siideyni.
Dangaara adoo doonayiyo gaal ladarajeeyo
Doolar uun adoo doonayiyo duunyo lagu siiyo
Daaqadda amaad kala baxdaa dulmi laguu doortay
Dab holcaayo baad daba ordee dambaabulo naare
Allow yaa kadaa kugu yiraa waa digniin culuse
Ilaahii dhulka darin kadhigee cirka dadan taagay
Ee aan dalool iyo lahayn daaqad laga duulo
Daruuraha da'aayiyo rabigii dooga soo bixiyay
Buuraha dangiigana duldhigay saan udaganaano
Halkii dalage aan duuganana kumaankun soo daadsho.
Caanahaan durduurano rabigaan dhiig kusoo darinba
Hawadaan ku daanshooneynana diinaar naga siisan.
Minidoo daciif ah rabigii dad nool ka abuuray.
Nabiguu asagu soo diree daacad lagu doortay
Waxyiguna kusoo dagahayee digniinta loo dhiibay.
Quraankuna daliiliyay inuu waxyi bes siidaayo
Hadii uu ku darilaa waxaan ilaahey dooneynin
Kadaa sooma uu oranlahayn see asaa diraye.
Doodiinu waa doqonimoo waan dareensadaye.
Dubkiina unaxa oo dadyahow dunidu waa maalmo
War duuduub uqaata diintuu ilaahey noo dooray.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the establishment
Telephone
Website
Address
4020