Awil Aden

Awil Aden

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Awil Aden, Athlete, Doha.

17/03/2026

Maxamed duruqsi, inankaas kubadu waa u fadhidaa, xirfadyahan dhalinyaro ah oo sidaas u ciyaara in lahelo waa dhif, laacib maskax badan oo kubad wanaag kujiro weeye, kaantoroolka kubada iyo siduu u fahmayo inuu dhaafsiisan karo kubada ciyaartoyga kaso horjeeda waa qaab cajiib ah. Waan hambalyaynayaa xirfad wanaagiisa, inuu dadaalo oo sii wado xirfadana waan rajaynayaa. Dhalinyaro badan oo isago kale ah'na gobolku waa u baahanyahay.

15/03/2026

Ninka yar waa is cadeeyay, kooxdiisa wuxu h**e uga caawiyay inay afar-dhamaad tagto, maanta wuxu kooxdiisa u saaray kulanka ugu danbeeya, Final.

Laacibkaas yar hal rikoore uu qabtay ayaan gartay inuu inankaasi xidig wayn noqonayo, wuu sii wadaa juhdigii iyo dadaalkii, horumar badan ayaan u rajaynayaa insha allaah.

13/03/2026

Odaygii ayaanle kooxdiisii miyaa laga badiyay?

Waa ninka todoba laacib oo weerar ah soo kaxaystay, kooxdaas in weerarkana la xakamaynayo xaga danbena loo daba marayo oo goolal badan laga dhalinayo way iska cadayd.

13/03/2026

Nin waynbaa kamaradu soo qabatay.

Guuleed Bashir aw aadan carab, waayihiisii kubada cagta wuxu ahaa difaac aad u adkaa iyo hogaamiye kooxeed mayal adag, ninkaas aadbuu iigu adkaa markaan ka-hor iman jiray, difaac wada maqas ah oo xiliguu dhulka madaxa kuu galiyay uun aad ku warhelayso ayuu ahaa, markii danbena saaxib iyo ciyaaryahan aanu meel kawada duulno.

Wuxu kamid yahay asxaabtayda raga aan ugu jeclahay, hadaanu ka koowaadba ahayn, guulayso labada daaroodba saaxib

25/02/2026

Ramadaanka birtu waa macaan.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Doha?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Culinary Team

Attire

Telephone

Website

Address


Doha