HanuunTube

HanuunTube

Dela

Ku sali nabigeena suuban ﷺ
nagu soo biir oo Qayb ka noqo faafinta kheyrka adigoo share gareenaya

15/11/2025

100 Madax oo Hub Nukliyeer Ah Ayay Haysataa?

08/06/2025

Markii uu Rasuulka ﷺ geeriyooday Bilaal ayaa wuxuu u tagay Abubakar alle haka raali noqdo dhamantood, isaga oo ku leh yaa Khaliifa Rasuulilaah, waxaan maqlay Rasuulka ﷺ isaga oo leh "Camalka ugu wanaagsan ee qofka Mu'minka ahi layimaado waa Jihaadka uu ugalo ilaaheey dartiis" Abubakar ayaa ugu jawaabay Maxaad doneysa Bilaalow?

Bilaal alle haka raali noqdee waxa uu yiri "Waxaa aan doonaya inaan hor ilaahey u aado furunta h**e ilaa inta aan ka shahiidaayo" Abubakar ayaa waxa uu su'aalay Yaa inoo oogi doono aadaanka? Bilaal oo ilmeenaya ayaa waxa uu ku yiri "Cidna uma adimi doono Nabi Muxammed ﷺ Dabadii" Abubakar oo aad u jeclaa in uu Bilaal lasii joogo ayaa ku yiri joog oo noo oog aadaanka Bilaalow.

Bilaal ayaa ugu jawaabay Abubakar "Hadii aad madaxeyga u xoreysay in aad i lahaato, hakuu ahaato sida aad adigu dooneysid, Laakiin hadii aad madaxeyga u xoreysay hor ilaahay dartii ii daay, wixii aad madaxeyga u xoreysay" Abubakar ayaa ku yiri "Haa waxaan madaxaaga u xoreeyey hor ilaahay ee u kac halki aad jeclaatay" Bilaal waxa uu aaday Shaam hadana loo yaqaan Suuriya, halkaa ayuu ku ekaaday isagoo Mujaahid ah.

Bilaal isaga oo naftiisa ka waramaya ayuu yiri "Geeridii Rasuulka ﷺ kadib waxaan hejin waayey in aan sii joogo Magaaladii Rasuulka ﷺ ee AL-Madiina" Bilaal hadii uu damco in uu aadaanka oogo, marka uu gaaro ku dhawaaqa, أشهد أن محمدا رسول الله Waxaa ku dhagi jiray hadalka oo aan ka soo bixi jirin murugo owgeed iyo xasuustii Rasuulka ﷺ waana ta keentay in uu u kicitimo Shaam oo uu ku biiro jihaadka.

Sanado ka dib ayuu Bilaal hurdada riyyo ugu arkay Rasuulka ﷺ oo ku leh "Bilaalow waa maxay adayga intaa le'egi, miyaanay aheyn in aad ina soo booqato"

kadib Bilaal waxa uu galay murugo iyo in uu naftiisa canaanto dib inta uu ugu soo kicitimay Magaaladi Rasuulka ﷺ ayuu yimi qabrigii Rasuulka ﷺ inta uu dul fadhistay oo uu salaamay ayuu is xejin waayey oo ku dul ooyey kadibna waxa uu raadsadey oo uu utegey wiilshii Rasuulku awoowga u ahaa ee Alxassan iyo Alxussen si uu use salaamo kadibna waxa ay ka dalbadeen in uu u oogo aadanka salaada marki uu ubaxay masaajidka Nebiga dushisa ee uu ku dhawaaqay الله أكبر الله أكبر ayay Magaaladi Al-madiina isla kacday xasuusta codki Bilaal iyo xiligi Rasuulka ﷺ marki uu gaarey dhawaaqa eedanka أشهد أن محمداً رسول الله

ayay dumarki iyo caruurti kaso bexeen guryaha Rag iyo Dumarna lama arag maalinta maalin ay Almadinna ka oohin badnayd waayo aadaankii Bilaal waxa uu xasuusiyey Magaalada maalmihi Rasuulka ﷺ iyo Bilaal oo ahaa Mu'adinkisa, Amiir Almuminin Cumar Bin khadaab marki uu booqday Shaam ayay Islaamki halka joogey ka dalbadeen Cumar in uu kala hadlo Bilaal in uu u oogo aadanka salaad keliya, Bilaal wuu ka ogolaaday codsiga Cumar looso maray sidiina wuu ku adimey,

Markii la gaadhey waqtigi salaada Bilaal oo aadanki ku dhex jira ayay Musliminti siiba saxaabada intii soo gaartey Rasuulka oohinta hayn wayeen, waxana la sheega in uu Cumar ugu oohin badnaa maalinta, Bilaal Ilaahay haka raali noqdo marki uu geeriyoodey ayuu Cumar arkay xaaski Bilaal oo ku dul ooyaysa waxa uu ku yiri ha ooyin berri ayaynu la kulmi doona Muxammed iyo intii uu jeclaa اللهم صل وسلم على سيدنا وحبيبنا وقرة أعيننا محمد وعلى آله وصحبه وسلم

Waan ogahay indhahaan quruxda badan ineysan wax la'aan iga tageynin. alle haku sharfo walal.

Vill du placera din affär längst upp i Medieföretag-listan i Stockholm?
Klicka här för att få din sponsrade notering.

Typ

Adress

Stockholm