NASRU DIIN
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from NASRU DIIN, Health/Beauty, .
29/09/2025
Kitaabka iyo Sunnada ay sheegtaan Wahaabiyadu – Ma aha Kitaabka Alle iyo Sunnadii Rasuulka ﷺ, ee waa Fikirkii Ibnu Taymiyah iyo Maxamed bin Cabdul Wahaab
Dadka maanta sheegta in ay yihiin (kuwa Kitaabka iyo Sunnada raacsan), haddana diidan culimo iyo muslimiin kale, marka loo eego si dhab ah — Kitaabkooda iyo Sunnadoodu ma aha Quraanka iyo Xadiiska Nebiga ﷺ, balse waa fikradii Ibnu Taymiyah iyo Maxamed bin Cabdul Wahaab.
📖 Caddeynta: Waxaa lagu sheegay
السبائك الذهبية بشرح العقيدة الواسطية
ee uu qoray Sheekh Cabdullaah Al-Ghunaymaan, bogga 39-40:
> “Qofkii jecel Ibnu Taymiyah iyo Maxamed bin Cabdul Wahaab waa ahlu-tawxiid (muslim ah).
Qofkii necebna ama diidana ma aha ahlu-tawxiid (oo waa gaal).”
Sidaas darteed, qofkii dhaliila ama diida labadaas wadaad, waxay u arkaan inuu ka baxay diinta, xitaa haddii uu yahay muslim Alle keliya caabuda.
⚠️ Taasi waa khalad weyn oo diinta lagu kordhiyay, sababtoo ah iimaanku kuma xirna jaceylka shaqsiyaad gaar ah, ee wuxuu ku xiranyahay iimaanka Alle iyo Rasuulkiisa ﷺ, cibaadada saxda ah, iyo raacista Kitaabka iyo Sunnada.
Laakiin ka dhigidda Ibnu Taymiyah iyo Maxamed bin Cabdul Wahaab calaamad lagu soo galo diinta Islaamka waa gaf iyo xadgudub weyn.
📖المصدر: السبائك الذهبية بشرح العقيدة الواسطية: ص 39-40,