Nor Ismail Sheikh
Senior Somali journalist with more than ten years of experience and working both as Radio and TV.
27/12/2025
Imaam Maxamed Binu Siiriin wuxuu ka mid ahaa Culimadii iyo Hantiileyaashii Taabiciyiinta wuxuuna ku caanbaxay ka ganacsiga Malabka.
Mid ka mid ah Fuustooyin malabku ku keydsanaa oo guud ahaan gaarayay 600 oo Fuusto ayuu mar Doolli ama Jiir uga dhacay; deetana waa laga saaray waxaasa dib ka adkaatay in Fuustadaas laga garto kuwa kale. Hadduu Doolli ku dhaco shey dareere ah sida Biyaha, Saliidda iyo Malabkana waxaa sharci ah inaan Sheygaas la isticmaali karin.
Maxamed Bin Siiriin oo ahaa Caalim Diinta yaqaanna dhowrsina badan ayaa loo sheegay arinkan, deetana wuxuu amar ku bixiyay in la tuuro dhamman Fuustooyinka maadaama la garan waayay midkii uu doolligu ku dhacay.
Maalinkaas ayuu Imaamku ku biiray Liiska Fuqarada Magaalada Basrah ka dib markuu ka mid ahaa Hantiileyaasheeda.
Mar ay dad badani u yimaadeen Imaamka si ay uga tacsiyeeyaan Khasaaraha Dhaqaale ee soo gaaray ayuu ku yiri: Waxba ha ii tacsiyeeynina, waan aqaanna halka la iga helay, Khasaaradaani waxaa keenay Dembi aan Ciqaabtiisa Sugayay muddo 40-Sano ah.
Markii wax la weydiiyay dembigaasna wuxu yiri: Maalin ayaan Nin Faqiir ah ku jeesjeesay oo aan ku iri Faqri ayaad tahay.
Dulucda waa inaad ka fiirsato erayada aad ku dhaheyso dadka dhibaateysan oo dhegtoodu u nugushahay kalimaadka afkaaga kaasoo baxaya. Dhaqaalaha aad heysato Alle kuuma siinin inaad ugu faanto ama aad ku duleysato ee wuxuu kuu siiyay inaad ka Caawiso inta mudan; hadaadan adigu wax u qaban karinna ku caawi inaad ka ceshato Afkaada iyo idinkaaga.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Xigasho: Hussain Sabrie
24/12/2025
Mucaaradna ma ihi. Muxaafad miir-beel ahna ma ihi. Intaas kadib, waxaa dhabtu tahay in doorashada beri lagu wado in ay ka dhacdo Gabalka Benaadir ay tahay mid dariiqa u fureeysa hanaan dowladnimo oo sal adag ku istaaga. Lana jaanqaada hanaan-ka Dowladnimo ee casriga ah ee adduunyada ka hana qaaday muddo h**e!.
Waxaa kaloo dhab ah in doorasha beri dhaceeysa aysan aheeyn tii ugu wanaagsaneed ama ugu hufneed marka loo eego doorashooyinka ka dhaca wadamada dunida horumartay. Lakin waa biloow ama sunna doorasho oo wax lagu sii dul-dhisi karo, laguna sii qurxin karo mustaqbalka!.
Guuleeysta reer Mogadishu.
W/Q: Xildhibaan Ilyas Sheikh Ahmed
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the public figure
Telephone
Address
Banadir