Guuleed Sabriye
My name is Guuleed sabriye, I am a Somali journalist and I am here to talk to you about Somalia and the world. SUBSCRIBE MY YOUTUB
09/09/2023
Fiiri sawirka 1-Aad mesha goobaabinta ay ka muuqato waa xabad lagu ridey hooyo jaad ku iibinaysa suuqa weyn ee D/wadajir.
Askar mooto Feykon wadata ayaa xoog uga dhacay jaadkii nafteedina halis gelisay. Aawey Askartii boliiska ee G/Banaadir ee amniga sugeysay?
Dhacdo kale oo Isla hadda ah . Askari Boliis ah ayaa qof shacab ah ku diley agagaarka Geedjeceel ee D/Wartanabada isagiina waa baxsaday.
𝗙𝗮𝗮𝘁𝗮𝘅𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗮𝗹𝗶𝗴𝗮
09/09/2023
Dhimashada dadka ku dhintay dhulgariirkii ka dhacay dalka Morocco ayaa gaartay 830, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaas. Halka ugu badan ee uu ku dhuftay dhulgariirka waa magaalada dhacda koonfur galbeed ee Marrakesh.
Madaxa gargaarka degdegga dalkaas ayaa sheegay in hadda dhibaatada ugu badan ay wajahayaan Isbitaalada ay tahay dhiig yari, waxaa la arkay burburka dhismooyin badan oo ay ku jiraan Masaajiddo, guryo iyo goobo taariikhi ah oo loo dalxiis tago. Weli waxaa socda dadka laga soo saarayo burburka dhismooyinka.
Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa sheegay inuu dalkiisa gurmad nooc walba ah u dirayo Morocco. Israaiil ayaa iyana sheegtay inay durba usoo dirtay koox gurmad ah iyo qalab gargaar ah. Inta badan madaxda adduunka ayaa farriimo tacsi iyo cambaareyn ah u soo diray dalka Morocco.
𝗙𝗮𝗮𝘁𝗮𝘅𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗮𝗹𝗶𝗴𝗮
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Website
Address
Banadir