Faa'iz Academy - Berbera

Faa'iz Academy - Berbera

Share

Mission
an Online and offline institute that offers quality-oriented education with certifications

05/06/2026

اللهم في يوم الجمعة،

اجعلنا ممن عفوت عنهم،
ورضيت عنهم، وغفرت لهم،
وحرمت عليهم النار، وكتبت لهم الجنة

Photos from Faa'iz Academy - Berbera's post 01/06/2026

1. Xifdi Kelmado Cusub Maalin Kasta 📚

🔹 Guusha English-ku waxay ka bilaabataa hal kelmad!

Maalin kasta baro kelmado cusub, qor macnahooda, kuna samee jumlado. Marka aad si joogto ah u xifdiso ereyo cusub, waxaad si fudud u fahmi kartaa qoraallada, dhagaysiga, iyo wada sheekaysiga English-ka.

✨ 5 kelmadood maalintii, waxay noqon karaan 150+ kelmadood bil gudaheed!

2. Samee Dhagaysi Badan (Listening) 🎧

🔹 Dhagaysigu waa furaha fahamka English-ka

Dhagayso podcasts, warar, filimaan, iyo muuqaallo English ah maalin kasta. Markaad si joogto ah u dhagaysato, waxaad baranaysaa dhawaaqa saxda ah, lahjadaha kala duwan, iyo sida dadka u isticmaalaan luuqadda dhabta ah.

✨ Dhagayso badan maanta, si kalsooni leh ugu hadal berri!

3. Akhri Qoraallo English Ah 📖

🔹 Akhri si aad u kobciso aqoontaada English-ka.

Buug, maqaal, ama war kasta oo English ah oo aad akhrido wuxuu kordhinayaa erey-bixintaada wuxuuna hagaajinayaa fahamkaaga luuqadda. Bilow qoraallo fudud, kadibna si tartiib tartiib ah ugu gudub kuwa adag.

✨ Akhri maanta, si aad berri ugu hadasho si xirfad leh!

4. Ku Hadal English Maalin Walba 🗣️

🔹 Ha sugin inaad qumman noqoto si aad u hadasho

Ku hadal English maalin kasta, xitaa haddii aad khaladaad samayso. Khaladaadku waa qayb ka mid ah barashada, halka ku celcelintuna ay dhisto kalsoonida iyo xirfadda hadalka.

✨ Practice makes progress — hadal badan, horumar badan!

30/05/2026

In aad maanta oo dhan ku jirto baraha bulshada oo marba mid u kala gooshtid, oo aad marsoo booqato tiktok cabaar daawato hadana ka tagto soo eegto facebook isna aad cabaar dawato ka tagto hadana aad tagto whatsapp storygii aad soo dhigtay soo fiiriso inta qof ee eegtay,isna ka tagto hadana waxooga kusoo qaadato insgram isna aad ka tagto oo aad snapchat aad wakhti ku soo qaadato isna

Maanta oo dhan aad safarkan ku jirto, hadana berina safarkan aad iska sii wadato oo bishanba safarkan aad ku jirto ama sanadkanba, walaal sanadka danbe waxaad gaadhaysaa iyadoo aanay caqligaaga waxba ku kordhin oo waktigaagii maalgashan sidoo kalena aan sumcadadii waxba ku biirin kaliya aad tahay hebelkii sanadkii h**e

Hadaba ka tasho safaradan aan noloshaada waxba kusoo kurdhinayn oo ku maalgasho wakhtigaaga iyo naftaadaba xirfadaha bilaashka ah ee aan soo dhignay

Want your school to be the top-listed School/college in Berbera?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address

Berbera