Najax Basbaas

Najax Basbaas

Share

.“Waxaan bilaabay page-kan si aad uga hesho kaftan, Maad + Nolosha 🔥
Haddii aad rabto content kaa qosliya maalin kasta 👉 Follow now 😄”
💡 Ujeeddo:..

29/05/2026
25/05/2026

Maayor Cidin: AC-yada ayaa laydhka Berbera bakhtiinaya…” ⚡😂

Shacabka Berbera: Mudane Mayor, guriga marwaxad ayaa noogu xidhan, taasna inta badan ma shidano si aanu meter-ku noogu badan.🥵🌀💸

Bulshada inta ugu badan: Qaboojiyaha kaliya ee aanu haysanaa waa albaabbada oo la balaqo iyo neecawda badda oo bilaash ah.🚪🌊😂🤣

24/05/2026

BEEL& REER...ISDIIDOOYIN....‼️

Arrinta xiisaha iyo xamaasada leh ee ka dhex taagan bulshada Somaliland ayaa ah sida loo arko “Beel” iyo “Reer”.

Beesha ISAAQ dhexdeeda, kala qaybsanaanta jufooyinka ayaa ka dhigtay inay isu arkaan “reero kala duwan”. Halka beelaha kale ee Somaliland ay ISAAQ u arkaan hal beel oo mideysan. marka la joogo miiska siyaasadda.

Kala duwanaanshahan aragtiyeed ayaa wuxu keenay faham kala duwan oo ku saabsan sida loo qaybsanayo awoodda, taas oo marar badan dhalisa dood iyo isfaham la’aan siyaasaddeed.

aan kuu weydiiyee:

Sidee loo cabbirayaa matalaadda saxda ah ee beelaha kala duwan ee Somaliland.?
Ma waxa lagu salaynayaa tirada, Mise saameynta, Mise heshiis bulsho?
Sidee loo dheellitiri karaa rabitaanka jufooyinka iyo beelaha kale?

Nuxurka Doodda.
👇
Marka ay Beesha Isaaq rabto in awoodda lagu qaybsado "Reer-reer", Beelaha kale matalaaddoodu waxay ku dhex lumaysaa jufooyin hal beel ka tirsan..

Najax Axmed Diiriye

Cabdiraxmaan Cirro Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL Madaxtooyada JSL Barkhad Jaamac Batuun

17/05/2026

Horta anigoo aan si gaar ah aqoon ugu lahayn niinka qoraalkan qoray, haddana waxaan jeclaystay inaan ka falceliyo qoraalkiisa, maadaama uu marar badan igaga soo baxay baraha bulshada gaar ahaan Facebook.

Si guud marka loo eego, qoraalkiisu wuxuu taabanayaa aragti siyaasaddeed iyo sida loo fasirto dhacdooyinka la xidhiidha doorashooyinka iyo hoggaanka.
waxase muhiim ah in la kala saaro wixii aragti ah iyo wixii xaqiiqo ah ee la caddeyn karo, si ay dooddu u noqoto mid miisaan leh oo furan.

Wuxuu yidhi: Muuse Biixi waxaa kursiga lagaga qaaday xeeladdo aflagaado ku dhisan..

Horta Waa run oo siyaasadda guud ahaan, ha ahaato Somaliland iyo dunida kale, waxa ka dhaca, dhaliilo, dacaayado iyo aflagaado doorashooyinka ku lammaan. Laakiin in taas si gaar ah hal dhinac loogu koobo ma aha miisaan sax ah. Madaxweyne kasta oo tartan galay ama xukunka hayaa wuu la kulmaa dhaliil iyo weerar siyaasaddeed, sidaas oo kale mucaaridka ayaa la kulma. Taasina waa dabeecadda tartanka siyaasaddeed, ma aha xeelad hal qof lagu beegsado oo kaliya.

Wuxu tilmaamay: Haddii Cirro wax laga sheego safaf baa laguu soo gelayaa..
Arrintani waa guudmar.
Bulsho kasta waxaa ka jira taageerayaal xamaasad leh oo si indho la'aan ah u difaaca hoggaamiyahooda, balse sidoo kale waxaa jira dad si caqli iyo aragti ku dhisan, cid u dhaliila ama u taageera, Sidaas darteed ficilkan laguma xukumi karo cid gaar ah.

Wuxu kaloo ku dooday: Haddii Muuse iyo Cirro ay maanta tartamaan Muuse ayaa si cad u guulaysanaya.❗️

Horta tanni waa saadaal siyaasaddeed, mana jirto wuxuu si dhab ah inoogu xaqiijin karo.

Ugu dambayn wuxu qoraalkiisa ku soo meeray : Dadkii wax badan baa u baxay oo ka qarsoonnaa.

Haddii uu ka hadlayo wacyiga
siyaasaddeed, waa run oo bulshada Somaliland si weyn ayay uga kortay fahamka siyaasadda iyo doorashooyinka. Laakiin haddii uu leeyahay: wax qarsoonnaa ayaa la ogaaday.
Waxa wacnayd inuu si cad u sheego waxa ay yihiin, haddii kale hadal meel waayay ayuu ka noqonayaa..

Najax Axmed Diiriye

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Berbera?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Address

Berbera