Talo-same Media
Boggan Talosame media waa bogg aad ka heli doonto postiyo wax badan kuu kordhiya hadaba si aad ugu xidhnaato Follow saar siina share garee.
*ما أكرَمَ النساءَ إلَّا كريمٌ، ولَا أهانَهُنَّ إِلَّا لئيمٌ*
Ninka haweenka liida waxay diintu u taqaanaa :LA'IIM" oo macneheedu yahay "GUN" ka maamuusana "KARIIM" GOB
"Ma maamuuso 'haweenka' nin gob ah mooyee" ma na liido 'haweenka' nin gun ah mooyee" Xadiis
Sidaa awgeed marka aad meelahaa ku aragtaan kuwa haweenka liida waxaad maqashiisaan " Waa kan LA'IIM KII"
Xigasho: Ustad Muse Mohamed Dirie
DUCADA WAALIDKU WAA AY SOO DUXDAA
Nin baa 5 carruur ah oo dhammaantood gabdho ah dhalay, hooyadii carruurta u dhashayna iyaga oo weli yaryar bay dhimatay.
Ninkii waxa uu go’aansaday in aanu naag kale guursan ee uu gabdhihiisa korsado.
Gabdhihii markii ay koreen, tii ugu weynayd baa la soo doontay, hase yeeshee guur waa ay diidday.
Aabbihii: “Maandhey, nin wanaagsan baa ku soo doontaye, maxaad u diidday?”
Gabadhii: “Aabbe, cillad uu ninku qabo uma aanan diidin, laakiin anigu waxan doonayaa in aan adiga kuu adeego oon ku daryeelo, ee gabdhaha walaalahay ah guur la doon”.
Aabbihii: “Maandhey, anigu waxan kuu korinayey in aan maanta oo kale kugu farxo oon gayaankaa kuu gacan geliyo, xaq xuquuqdaada kamid ahna weeye guurku, ee ducadeydaad qabtaaye guurso”.
Gabadhii: “Aabbe, sidan ayaan ku faraxsanahay oon raalli ku ahay, ee iska kay dhaaf aniga, walaalahay guurkoodana ka feker”.
Aabbihii: “Waa yahay gabadhaydii, haddii aad sidaas go’aansatay, waxba intaas ka badan ku cadaadin maayo, ee Alle ha ku barakeeyo”.
Waa la joogay … gabdhihii ka yaryaraa midba mar baa la soo doontay, waana la wada guursaday. Curaddii iyo aabbihii ayaa gurigii ku soo haray, iyada oo cuntada u karisa, dharka u dhaqda, daawadiisa waqtigeeda xusuusisa, wax kasta oo uu khidmo u baahnaana u qabata.
Maalintii dambe aabbihii tii Alle ayaa u timid. Markii aaskii iyo tacsidii la soo af jaray, baa waxa la furay dardaarankii aabbaha. Waxa uu gabdhihiisa kula dardaarmay in aan dhaxalka la qaybin ilaa walaashood ka weyni guursato oo aan guriga laga saarin.
Gabdhihii fikraddaasi ma aanay cajabin, waxayna dheheen: “Dhaxalku waa xaq uu Alle ina siisay, aabbena ma ahayn in uu shuruud ku xiro!”
Walaashood bay ula yimaadeen go’aankooda ah inay guriga iibinayaan oo dhaxalkooda ay u baahan yihiin. Waa ay ka oggolaatay. Waxa gurigii lagu dhejiyay “Waa iib”.
Maalintii dambe nin baa yimid guriga iibsanaya, qiimihiina waa lagu heshiiyay. Ninkii markii uu qiimihii guriga bixiyay, dukumintigiina farta laga saaray, gabadhii inta ay gaar ula baxday, bay uga sheekaysay duruufteeda, waxana ay ka codsatay in uu dhawr bilood ka oggolaado inay guriga ku sii jirto, inta ay meel kale ka helayso, isaguna waa uu ka oggolaaday.
Gurigii markii ay saddex bilood ku jirtay, ayuu ninkii albaabka usoo garaacay. “Yaa waaye?” “Waa hebelkii guriga iibsaday”.
Aad bay u naxday, waxayna xaqiiqsatay in guriga laga saari doono, maxaa yeelay nin iyo xoolihiis aragti ayaa ka dhaxaysa.
Markii ay albaabka furtay, albaabkii bay isku goysay, iyada oo diidaysa in uu gudaha u galo, kuna tiri: “Walaal, iga raalli ahow waan ku daahay guriga waan ogahay, laakiin sida ugu dhaqsaha badan baan kuugu wareejin doonaa. Allaha ku barakeeyo eh in yar oo kale ii dulqaado”.
Ninkii: “Anigu uma aanan imaan in aan guriga kaa saaro. Anigu waxan ahay nin Alle uu hanti siiyay, xaas iyo 3 carruur ahna waan leeyahay. Waxan doonayaa in aan labaysto, qof kaa fiicanna heli maayo. Haddii aad oggolaatid in aan ku guursado, guriga magacaaga ayaan kuugu qorayaa oo meherka isaga ayaan kaaga dhigayaa. Haddii aadan rabin in aad xaas labaad ii noqotidna, muddadii aad rabtid guriga ku sii jir welwel la’aan, xitaa haddii ay sanado kugu qaadato”.
Gabadhii: “Waan ka soo fekerayaaye, waqti i sii!”
Ninkii: “Waqti intii aad doontid qaado, mar dambena albaabkaaga soo garaaci maayo ilaa aad adigu go’aan gaartid. Markii aad go’aan gaartidna taleefan lambarkaan (inta uu business card siiyay) iga soo wac”.
Ugu dambayn, gabadhii ducadii aabaheed baa u soo duxday, ninkii hantiilaha ahaa ayaa guursaday, gurigiina iyaduu ku qoray. Sidaas buu Alle wiilal iyo gabdho isugu daray. Waxay geed fadhi u noqotay gabdhihii iyada ka yaryaraa. Markii uu middood xaalku ku xumaado, ayay ka odayayn jirtay.💐🎉🎊🙏🎊🌹
Malinmustaf Ali
Sabriye Musse
[email protected]
Click here to claim your Sponsored Listing.