Adal Media
Warar Sugan iyo Waaqica dhabtaa.
29/06/2025
Abaarta iyo Duruufaha Ka Taagan Baki & Lughaya – Qaylo-dhaan ka Socota Gobolka Awdal.
Hordhac
Deeganadda galbeedka Somaliland ee hoos yimaada Awdal, gaar ahaan degmooyinka Baki iyo Lughaya, ayaa wajahaya xaalado nololeed oo aad u adag.
1. Abaarta daba-dheeraatay, roob la’aanta, iyo adeeg la’aanta salka u ah baahiyaha nolosha, ayaa sababay in kumannaan qoys oo ku nool deegaankaasi ay la tacaalaan nolol adag.
2. Inkasta oo ay jiraan qaylo-dhaanno iyo codsiyo ka imanaya bulshada deegaanka, haddana waxaa muuqata in jawaabaha gurmadka iyo mashaariicda horumarineed ay aad u yar yihiin ama gabi ahaanba ka maqan yihiin.
Abaarta Daba-dheeraatay – Saameynta Isdaba Jooga ah Ee Ay ku yeelatay Bulshadda Baki iyo Lughaya oo deegaano beeraley iyo xoolo-dhaqato ay ku badan yihiin ah.
sanadihii dambe:
B. Roobabkii gu’ga iyo dayrtu waa ay baaqdeen ama si aad u hooseeya ayay u da’aan.
T. Dhirtii daaqa iyo biyo-xireennadii dabiiciga ah (togag, ceelal) waa engegeen.
J. Xoolihii dadkaasi ku tiirsanaayeen nolol ahaan ayaa u badan in ay le’deen ama ay daciifeen.
Tani waxay sababtay in boqolaal qoys ay ka barakacaan tuulooyinkii ay deggenaayeen, isla markaana ay ku dhacaan saboolnimo daran.
Hagrashadda Adeegyo Bulsheed iyo Gurmad La’aan Baahsan ayaa ka jirta Marka laga reebo caasimadda Awdal (Boorama), inta badan degmooyinka sida Baki iyo Lughaya:
Ma haystaan xarumo caafimaad oo shaqaynaya si joogto ah, Waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe ayaa ah mid aan daboolin baahida caruurta Deganka.
Biyo nadiif ah waa ay adag tahay in la helo; dadka intooda badan waxay u safraan masaafo dheer si ay u helaan ceelal ama barkado engegan.
Hay’adaha samafalka iyo gurmadka bini’aadantinimo, sida WFP, UNICEF, iyo NRC, ayaa urursan Hargeysa, Berbera, Burco, halka Baki iyo Lughaya aysan helin gargaar joogto ah.
Burburka Kaabayaasha iyo Isgaarsiin La’aan
Wadooyinka u dhaxeeya Boorama iyo degmooyinka Baki iyo Lughaya waa kuwo aad u liita, taas oo adkaysay:
A. In la gaarsiiyo cunto iyo biyo dadka ku sugan miyiga
B. In bukaanno xaaladoodu degdeg tahay loo qaado isbitaallada
C. In hay’adaha gurmadka ay si fudud u gaaraan dadka u baahan
Intaa waxaa dheer, meelo badan oo gobolka ah waa ay ka jirtaa dhibaato dhanka isgaarsiinta ah – lagama helo adeegyada taleefanka ama internetka, taas oo sii adkaysay in si degdeg ah loola xiriiro gurmadka ama warbixin lagu helo.
Dhibaatooyinka IDPs iyo Barakacayaasha Baki iyo Lughaya waxay marti-geliyeen barakacayaal h**e uga yimid meelo kale oo abaari ka dhacday, ama xasarado ka jireen.
Barakacayaashu waxay deggan yihiin xeryo aan lahayn hoy, biyo ama adeeg caafimaad. Dadka deegaanka ayaa mararka qaar la tacaalaya sidii ay ula qeybsan lahaayeen wixii yar ee ay haystaan, taas oo sii kordhisay heerka nuglaanta ee bulshada.
* Saameynta Dhallinyarada iyo Haweenka
Dhallinyarada: Fursad waxbarasho iyo shaqo midna ma haystaan. Waxaa jira cabsi laga qabo tahriib iyo ku biiridda khataro kale oo ay ka mid yihiin kooxo budhcadnimo ah.
Haweenka: Waa kuwa ugu nugul xaaladda – qaar badan ayaa ah madax-qoys, halka kalena ay la kulmaan rabshado iyo hoos u dhac dhanka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.
Maxaa Laga Rabaa Dowladda iyo Hay’adaha Caalamiga ah?
A. Jawaab Degdeg ah oo Bani’aadamnimo
In si degdeg ah loogu gurmado cuntada, biyaha, iyo daawada dadka ku sugan tuulooyinka Baki iyo Lughaya.
In la sameeyo xeryo si ku meel gaar ah loogu dejiyo dadka barakacay.
b. Maalgashi Kaabayaal La Taaban Karo
Dhisidda ceelal biyo ah, dayactirka waddooyinka, iyo dejinta xarumo caafimaad iyo waxbarasho oo shaqaynaya.
Qorshe lagu abuurayo fursado shaqo oo waara, sida mashaariic beero-ku-tiirsan ama xanaanada xoolaha.
c. Kor u Qaadista Codka Deegaanka
Bukshada rayidka ah iyo xildhibaannada deegaanku waa in ay si muuqata ugu doodaan xuquuqda dadka Baki iyo Lughaya.
In xogta deegaanka la ururiyo oo la faafiyo si hay’adaha caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha ay u ogaadaan baahida jirta.
Gunaanad
Xaaladda abaareed iyo duruufaha nololeed ee ka taagan Baki iyo Lughaya waa mid u baahan feejignaan iyo tallaabo degdeg ah. Inkasta oo laga yaabo in ayna u muuqan indhaha caalamka ama warbaahinta gudaha, haddana dadkan waa muwaadiniin xaq u leh horumar, badbaado, iyo nolol sharaf leh.
Gobollada aan codkoodu dhicin waa in la maqlaa. Bulshada Somaliland oo dhan waxay ka mideysan tahay hal calan, balse midnimadu waxay micno leedahay marka cadaalad, horumar iyo daryeel la wada helo.
W/Q: Abdiwahab Siciid Abdi Qawrax
Taariikh: Juun 29, 2025
Celebrating my 8th year on Facebook. Thank you for your continuing support. I could never have made it without you. 🙏🤗🎉
26/06/2025
Dr. Abdullahi Hashi Abiib Ayaa Bogiisa X- Twitter ku Baahiyahay in Wasiirka Arimaha Dibada Xamar Mansabkiisa u adeegsado samaynta Dal-kugallo been abuur Ah.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Borama