EPL Somli

EPL Somli

Share

Horyaalka ciyaraha

26/09/2020

Waa Kuma Xidiga 80 Milyan Lagu Qiimaynayo Ee U Soo Duulaya Magaalada Manchester ?

Manchester City ayaa markale lacag badan ku kharash garaynaysa difaaca kooxda Benfica ee Ruben Dias kaas oo ay kula soo saxiixanayaan 80 milyan kaas oo u soo duulaya magaalada Manchester si uu u dhamaystiro heshiiska uu Etihad Stadium ugu soo wareegayo.

Man City ayaa doonaysa in heshiiska Ruben Dias uu qayb ka noqdo difaaca kooxdeeda ee Nicolas Otamendi kaas oo isna u wareegi doona kooxda Benfica.



Wararka laga helayo warbaahinta dalka Portugal ayaa sheegaya in Ruben Dias uu maalinta axada u soo duulayo magaalada Manchester si uu u dhamaystiro heshiiska qaaliga ah ee uu Man City ugu soo biirayo.

Sida lagu shaaciyay barnaamijka show Mais Transferências ee ka baxa TVI24, Man City ayaa marka h**e Ruben Dias ka bixin doonta 50 milyan gini waxayna sidoo kale ogolaadeen in ay lacago shuruudo ku xidhan oo 15 milyan gini ah siin doonaan kooxda Benfica.

Laakiin qiimaha Ruben Dias ayaan intaas oo kaliya

26/09/2020

Manchester City ayay soo food saartay dhibaato dhinaca weerarka ah kaddib markii uu dhaawac soo gaadhay Gabriel Jesus oo muddo saddex toddobaad ah garoomada ka maqnaan doona.

23 jirkan weerarka uga ciyaara Barcelona ayaa laga saaray liiska xulka qaranka Brazil ee kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Bolivia iyo Peru ee bisha dambe, waxaana uu dhaawac qaadan doona muddo saddex toddobaad ah uga maqnaan doonaa garoomada.



Man City oo uu h**e dhaawac xili ciyaareedkii h**e gaadhay ugaga maqnaa Sergio Aguero oo aan usbuucyadan soo laaban doonin, ayaa waxay ku jirtaa xaalad xun oo ciyaartoydii weerarka tooska ah ay meesha ka maqan yihiin, waxaana tababare Pep Guardiola uu kulankii ugu dambeeyey ee Carabao Cup uu ciyaarsiiyey da’yarka Liam Delap oo gool dhaliyey.

War-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Brazil ayaa waxa lagu yidhi: “Arbacadii, kooxda Ingiriiska ayaa lasoo xidhiidhay dhakhtarka xulka Brazil ee Rodrigo Lasmar, waxaanay u sheegeen dhaawaca gaadhay Gabriel kulankii Wolverhampton ee Isniintii ee horyaalka Premier League.”

Man City oo Axadda la ciyaari doonta Leicester City, ayaa uu tababare Guardiola sheegay in kaliya 113 ciyaartoy oo caafimaad qaba uu u haysto, waxaase safkiisa kusoo laabanaya Riyad Mahrez iyo Aymeric Laporte oo kasoo kabtay xanuunka Korona Fayras oo ku dhacay, hase yeeshee waxa Ilkay Gundogan oo waqti dambe laga helay xanuunkan ayaa wali ku jira Karantiil.

Eric Garcia ayaa kasoo doogay jugtii kasoo gaadhay madaxa, waxase dhaawacyo muruqa ah ku maqan Bernardo Silva, Joao Cancelo, Nicolas Otamendi iyo Oleksandr Zinchenko.

Want your business to be the top-listed Business in Burco?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Address

Burco