Muuse yare
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Muuse yare, Health/Beauty, Burco.
14/09/2022
Nolasha oo dhan waa fursad maalgashi oo aanan caadi ahayn tusaale waxaa uu Nebiga SCW uu dhahay ''Qofkii halmar dhaho Subxaana Allahi wa bixamdih''. Hal geed ayaa jannada looga abuuraa. Haddaba su'aashu waxaa ay tahay qofka maallintii meeqa geed ayuu jannada ku abuuran karaa isaga oo dhahayo '(سبحان الله وبحمده). Qof weliba inta xabo ee maalgashi uu sameeyey ayuu leeyahay. Adiga oo aduunka hadda joogo jannada ku yeelo beero geedo ay kaaga baxaaan. Qofkasto marka uu dhinto waxaa ay u badan tahay in u shalaayi doono xitaa haddii Ehlu janno uu yahay sababta uu waqti badan maalgashi halkani uu ugu soo sameyn waaye si uu ula mid noqdo dadka darajooyinka sare joogo. Laba kelimadood oo keliya ayaa lagu helaa dhihitaankooda GEED WAYN OO JANNADA AH. Dunidu waxaa maanta joogo dad badan oo aanan muuqanin balse maalgashi aanan caadi ahayn Aakhiro ku sameysanaya iyaga oo nolashoodiina wata.
Haddii qofku qaabkani uu u fekero waxaa kordhaayo dadaalkiisii kadibne fursad weliba xitaa haddii wadada uu socdo, Haddii dukaankiisa uu iska fadhiyo waxaa uu bilabayaa in MAALGASHİ badan aakhiro uu ku sameeysto, Haddii qofku siddani uu ku wado ugu dambeyn waxaa uu noqonayaa dadka Quraanka lagu amaanay. ''Maxay jiraan dad gacansigoodii iyo wax kala iibsigoodii aanan ka mashquuleynin xuska Alle, Waxay tukadaan salaada, Waxay bixiyaan zakada waxay ka baqaan maallin qalbiyada iyo indhuhu ay gadoomayaan, Dadkaasi (Sidda joogtada ah Alle u xasuusan) Waxaa uu Alle ka abaalmarinayaa wixii wanaag ah oo ay sameeyeen waxaa uuna Alle u kordhinayaa fadligiisa, Waxaa uuna Alle arzaaqaa qofka uu doono xisaab la'aan'' (Suurada Nuur 37-38)
Click here to claim your Sponsored Listing.