Community Aid Network- CAN.
CUMMUNITY AID NETWORK (CAN). DALLADDA DARYEELKA BULSHADA ----
FOUNDATION YEAR : 2007
formerly known: AED (Asso. of Educational Dev)
06/07/2021
Dalladda CAN oo u wareegtay xafiis cusub oo ay ayadu leedahay
Dalladda oo waayadaan ku mashquulsanayd dhisidda xafiis cusub ayaa ugu danbayn soo gaba gabaysay
Xafiiskaan oo kharash badani ku baxay waxaa gacan wayn ka gaystay dhismihiisa wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee DFS mudane Duran Farah
Sidoo kale waxaa asna ka qaybaatay dhismaha xafiiska Sh. Abdirizak Ali (Abuu Cubayda)
Allah miisaankooda xasanaadka ha ugu daro.
05/04/2021
Dalladda CAN waxay hambalyo u dirayaan gudoomiyaha iyo ku xigeenka cusub ee ururka GYDO.
Waxaan wakhti badan ku bixinay in degmada ururada ka jira ay hogaamiyaan dhallinta jaamacadaha ka yimid ee wakhtiga galiyay aqoonta si ay u helaan meel ay aqoontaas ugu faaiideeyaan bulshada, degmaduna u hesho dad dhallinyar, aqoon leh oo daacadnimadooda ugu adeega.
Aad iyo aad baan usoo dhawaynaynaa gudooomiye Yuusuf Xuseen iyo ku xigeenkiisa Cumar Macalin Siciid, waxaana ballan qaadaynaa inaan noqon doono garabkooda midig.
Waa mahadsantihiin.
01/01/2021
Mahad ballaaran ayaan ujeedinaynaa Xannaanad carruurta oo abaalmarinta sannadka ee guddoonsiisay Dalladda Community Aid Network- CAN.
Nabaadiino #2020.
Guul iyo gobonimo #2021
Click here to claim your Sponsored Listing.
TAHNIYAD AROOS
Labo hanbalyo oo wada socda.
Gudoomiye ku xigeenka Ururka AED oo loo magacaabay mudane Abdiwali Mohamed Adan (Abdiwali dari) 9-feb 2018 maanta oo jumco ah iyo masuulka oo xafladda guurkiisu ka dhacday Hotel Tawakal isla maanta, mudane Masuul/caruus dhammaan xubnaha iyo taageerayaasha ururka hormarinta waxbarashada waxay hawada kuu marinayaan tahniyad waxaana idin leennahay adi iyo xaaskaaga Xaawo Cabdi diiriye ducadii rasuulka SCW ee Baarakallaahu lakumaa wa baaraka calaykumaa.