Gogol Primary School

Gogol Primary School

Share

Enter to learn leave to lead.

26/04/2026

Ardayda fasalka 8 aad ee Gogol Primary School.
Saaka iyo imtixaan tijaabo ah (mock 2).

06/04/2026

Muuqaal soo koobayo tartanka hiddaha iyo dhaqanka ee sanad walbo halmar lagu qabto Gogol Primary School.

Hambalyo dhammaan guulaystayaasha tartanka oo kala ah fasalka 8 aad iyo fasalka 4 aad.

Sidookale waxaan mahadcelin iyo bogaadin u diraynaa guddigii tartankaan quruxda badan maamulay sida wanagsana u maareeyay iyo ardaydii sida kartida leh qeybta oga ahaa howlahii la xiriiray tartanka.

Mahadsanidiin

Photos from Gogol Primary School's post 02/04/2026

Gogol Primary School

📷 Ali Ziyech

31/03/2026

Bismillah.

Salaamullahi calaykum jaalayaal idil ahaantiin.
Beri oo ay taariikhda ku beegantahay 1da Abriil, 2026, waxaa dugsiga hoose/dhexe ee Gogol ka dhici doono tartan aad u xiiso badan una dhaxayn doonno fasallada kala duwan ee dugsiga.

Tartankaan ayaa ah mid uu dugsiga qabto teeram walbo iyada oo looga gol leeyahay dhiiragalinta iyo is dhexgalkq ardayda.

Tartanku waxa uu ka koobanyahay qeybo badan sida;

1. Hibada ardayga.
2. Xarig ka bood
3. Xariig jiid
4. Bootin
5. Ukun qaad.
6. Dhari jabin iwm.

Waxaan u rajeynaynaa in aan wada guulaysano dhammaanteen haddii aan nahay bahda Gogol Primary School

Badiyaabo waa bahdeena. Ballanteenu waa dedaal iyo wadashaqayn.

Mahadsanidiin.

11/03/2026

Dugsiga hoose/dhexe ee Gogol.

Waxaa inoo bilowday imtixaan tijaabo ah oo gaar u ah fasalka 8 aad ee sanad dugsiyeedka 2025 - 2026.

Ujeedka imtixaankaan ayaa ah in ardayda loo diyaariyo imtixaanka k**a dambaysta ah ee dugsiyada Jubaland.

Ardayda ayaa laga qaadaa saddex imtixaan oo tijaabo ah. Mid walbana waxaa la hubiyaa in arday walbo uu u diyaarsanyahay in uu wajaho imtixaanka fasalka 8 aad ee k**a dambaysta ah.

Guulo badan ayaan u rajeynaynaa dhammaan ardayda soomaaliyeed gaar ahaan ardayda dugsiga hoose/dhexe ee Gogol.

"Waxbarta aan barwaaqo gaarnee".

31/01/2026

Bismillah, subax wanaagsan bulsho weynta ree Garbaharey.

Ogeysiin:

Dugsiga hoose/dhexe ee Gogol waxa uu dib u furmi doonnaa beri oo Axad ah kuna began 1 da bisha Febraayo, 2026.

Haddabo yaan la moogaan in dugsiga uu dib ugu laaban doono xaruntiisii rasmiga ahayd maadaama uu dugsiga ku shaqeynayey teeramkii lasoo dhaafay xarunta machadka xaafidu al dahabi sababo la xiriiro dayactir ku socday qeyb ma mid ah fasallada dugsiga.

Wabillahi taqfiq.

Want your school to be the top-listed School/college in Garbahaarrey?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Address

Eastward Street
Garbahaarrey

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00