Centre for Applied Development, Innovation and Research - CADIR

Centre for Applied Development, Innovation and Research - CADIR

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Centre for Applied Development, Innovation and Research - CADIR, Community Center, Hodan Village, Puntland, Garowe.

24/04/2026

๐‰๐จ๐ข๐ง ๐š๐ง ๐„๐ฌ๐ฌ๐ž๐ง๐ญ๐ข๐š๐ฅ ๐–๐จ๐ซ๐ค๐ฌ๐ก๐จ๐ฉ ๐Ÿ๐จ๐ซ ๐๐ฎ๐›๐ฅ๐ข๐œ ๐€๐๐ฆ๐ข๐ง๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐’๐ญ๐ฎ๐๐ž๐ง๐ญ๐ฌ!

Topic: Public Policy Analysis โ€“ A Tool for Good Governance

This training provides students with the practical skills and knowledge needed to understand and analyze policies to achieve transparent and effective governance.

Event Details
โ€ข Facilitator: ๐ƒ๐ซ. ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐€๐ก๐ฆ๐ž๐ ๐€๐๐š๐ง

๐Ÿ“… Date: Saturday, 25th April 2026
โฐ Time: 4:00 PM โ€“ 8:00 PM
๐Ÿ“ Venue: CPS, Garowe, Somalia

About the Facilitator:
Dr. Mohamed Ahmed Adan is the Country Representative for the Centre for Humanitarian Dialogue in Somalia. He holds a ๐๐ก๐ƒ in Political Science from ๐€๐ง๐ค๐š๐ซ๐š ๐”๐ง๐ข๐ฏ๐ž๐ซ๐ฌ๐ข๐ญ๐ฒ and specializes in conflict resolution, governance, peacebuilding, and state-building in fragile contexts.

Donโ€™t miss out on this valuable opportunity to enhance your professional skills!

Photos from Centre for Applied Development, Innovation and Research - CADIR's post 14/04/2026

Waxaa si rasmi ah loo soo afmeeray shirka cilmibaadhista siyaasadda iyo nidaamyada caafimaadka Soomaaliya, kaas oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Horumarinta, Hal-abuurka iyo Cilmibaadhista ee Jaamacadda Boosaaso โ€“ Garoowe.

Shirka oo socday muddo laba maalmood ah ayaa lagu falanqeeyey siyaasadaha iyo nidaamyada caafimaadka Soomaaliya, u qareemidda hooyada iyo dhallaanka, iyo horumarinta iyo taabbogelinta hiigsiyada fog ee caafimaadka Soomaaliya.

Shirka waxaa si rasmi ah u soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DPL, isaga oo uu wehelinayey Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Qorsheynta DPL. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DPL ayaa ballanqaaday in la mataaneeyo cilmibaadhisyadii kala duwanaa ee lagu soo bandhigay shirka iyo taabbogelintooda, isla markaana wasaaraddu si dhow ula shaqayn doonto cid kasta oo ka qayb qaadanaysa horumarinta caafimaadka DPL iyo guud ahaan geyiga Soomaaliyeed.

14/04/2026

๐ƒ๐จ๐จ๐-๐ฐ๐š๐๐š๐š๐ : ๐ˆ๐ฌ๐›๐ž๐๐๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐‚๐ข๐ฆ๐ข๐ฅ๐š๐๐š, ๐…๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ญ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐‚๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ซ๐š๐๐š & ๐Š๐จ๐ซ๐จ๐ซ๐ค๐š ๐‚๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐€๐š๐ง ๐…๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง (๐๐‚๐ƒ๐ฌ)

Giraantan oo looga doodayey isbeddelka cimiladu wuxuu si toos ah iyo si dadbanba u saameeyaa caafimaadka bulshada. Heerkulka oo kordha, abaaro, daadad iyo roobab aan caadi ahayn waxay abuuraan deegaan ku habboon faafitaanka cudurrada sida duumada iyo shuban-biyoodka. Sidoo kale, masiibooyinka dabiiciga ah waxay burburiyaan adeegyada caafimaadka, taas oo sii adkaysa in si degdeg ah looga jawaabo cudurrada faafa.

Dhanka kale, cudurrada aan faafin (NCDs) sida macaanka, wadne xanuunka iyo kansarka ayaa si xawli ah u kordhaya, gaar ahaan dalalka soo koraya. Isbeddelka hab-nololeedka, cuntooyinka aan caafimaadka lahayn iyo dhaqdhaqaaq laโ€™aanta ayaa door weyn ka ciyaara. Marka la isku daro saameynta cimilada iyo kororka cudurradan, waxaa sii kordhaya culayska saaran nidaamyada caafimaadka, taas oo u baahan qorshe iyo wacyigelin ballaaran si loo yareeyo khatarta.

Giraanta waxaa ka gadhwadeen ka ahaa Cabdirisaaq Xasan, waxaana ka qayb gelayey Pierre P.M. Thomas, Aarman Sohaili, Dr. Abshir M. Hersi, Shucayb Ahmed Mohamed, Ali Hassan iyo Nafisa Abdiweli Khaliif.

Want your organization to be the top-listed Non Profit Organization in Garowe?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Address

Hodan Village, Puntland
Garowe