Engineering and Computer Technology Students Union - ECSU -SIU
This page is attended to display our activity and creativity issue in our University SIU
19/03/2026
CIID WANAGSAN 🌙🎉
Engineering and Computer Technology Students Union - ECSU -SIU
Somali International University - SIU
𝐂𝐈𝐈𝐃 𝐖𝐀𝐍𝐀𝐀𝐆𝐒𝐀𝐍! 🌙🎉
Dhammaan Ummadaha Muslimiinta ah gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeyneynaa farxadda 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐮𝐥 𝐅𝐢𝐝𝐫𝐢.
Waxaan Alle ka baryeynaa in ciiddan teeda xigta uu innagu gaarsiiyo nabad iyo caafimaad.
Maamulka Jaamacadda SIU wuxuu si gaar ah hambalyo u leeyahay hawlwadeennada, macallimiinta, waaliddiinta iyo ardayda Jaamacadda guud ahaan farxadda Ciidda awgeed.
كل عام وانتم بخير. تقبل الله منا ومنكم صالح الاعمال
18/03/2026
𝐌𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐥𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐥𝐞𝐲𝐬𝐭𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐮𝐫'𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐚𝐫𝐢𝐢𝐦𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐛𝐢𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐚𝐤𝐚𝐲𝐬𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐑𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐚𝐧.
Munaasabad uusoo agaasimay Midowga Ardayda Jaamacadda SIU, ayna taabbaggelineysay Mu'asasada Kheyriga ah ee Jaamacadda SIU (SIU Foundation) ayaa caawa ka qabsoontay magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan oo lagu abaalmarinayay ardaydii kaalmaha h**e ka gashay Tartanka Qur'aanka Kariimka ee uusoo agaasimay Midowga Ardayda Jaamacadda SIU ayaa guuleystayaasha lagu guddoonsiiyay deeqo waxbarasho iyo shahaado sharaf.
Masuuliyiin kala duwan oo uu ugu horreeyo Siihayaha Xafiiska Guddoomiyaha, ahna Guddoomiye Kuxigeenka Waaxda Waxbarashada iyo Arrimaha Ardayda ustaad Liibaan Cali Xasan oo munaasabadda goobjoog ahaa ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee xukuumadda ardaydu ay qabatay, una mahadceliyay guddigii culumada ahaa ee u garsooray Tartanka Qur'aanka Kariimka ee bisha Ramadaan.
Engineering and Computer Technology Students Union - ECSU -SIU
Somali International University - SIU
Xarunta Dhexe ee Jaamacadda SIU waxaa lagu qabtay Bandhigga Ganacsiga ku tiirsan tiknolojiyada (𝐅𝐄𝐂𝐓 𝐂𝐨𝐦𝐦𝐞𝐫𝐜𝐞 𝐄𝐱𝐩𝐨 𝟐𝟎𝟐𝟔) oo ay samaynayeen ardayda kujirta sannadka saddexaad ee waxbarashada jaamacadda ee Kulliyadda Injinneeriyada iyo Culuumta Tiknolojiyada ee Jaamacadda SIU.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the university
Telephone
Website
Address
Mogadishu