Hufnaan Media

Hufnaan Media

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hufnaan Media, News Personality, KM4 Street, Mogadishu.

06/02/2026

Madaxweyne Farmajo: “ Dhismaha Guriga marbuu istaagay sababtana waxay aheyd ; Madaxweyne Xasan Sheikh baa iso wacay oo igu yiri Madaxweynow Ololahii Doorashada wuu dhamaadaye Ololahaan kale aad igu furtay iga jooji inta ay dowladeyda iiga fadhisaneyso, markaas ban iskugu wacay Howlwadenadi gacanta ku hayey howsha guriga oo aan ku war geliyey inay joojiyaan.”

01/02/2026

: Dowladaha Turkiga iyo Mareykanka oo qaaday tallaabooyin xasaasi ah oo la xiriira Soomaaliya.

26/01/2026

: Sida ay ku warantay Wakaalada wararka Ee Reuters ,Xubno ka tirsan Xisbiyada jamhuuriga iyo dimuqraadiga Ee Congress-ka Maraykanka ayaa sheegay in hadii Madaxweyne Trump uu weerar milatari ah ku qaado Jasiiradda Greenland, isagoo aan ogolaansho ka helin Congress-ka ay ka dhalan doonto Talaabo xilka loogu qaadayo Trump.

26/01/2026

: Ciidamada Uganda oo ah kuwa ugu tirada badan ee ka tirsan howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa haatan ka baxaya Soomaaliya kaddib muddo 19 sano ah oo ay dalka ku sugnaayeen.

Taliyaha Ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba ayaa qoraal kooban oo uu ku daabacay bartiisa X (ex-Twitter) ku shaaciyay in howl-galkii ay ka wadeen Soomaaliya uu gebo-gebo marayo, isla markaana la diyaarinayo qorshaha bixitaanka ciidamada.

Tirada askarta Uganda ee weli ku sugan Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 5,000 ilaa 6,000 0o askari.

Ciidamadan ayaa door muhiim ah ka qaata sugidda amniga xarumaha waaweyn ee dowladda, sida Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Dekedda Muqdisho iyo goobo kale oo muhiim ah.

Go’aankan ayaa imanaya xilli howl-galka AUSSOM uu wajahayo caqabado dhaqaale, kuwaas oo saameyn ku yeeshay u jeedooyinki ay u joogeen Soomaaliya.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Culinary Team

Attire

Telephone

Website

Address


KM4 Street
Mogadishu