Action Development Trust
Humanitarian Organization
Abaar ba’an oo xilligan ka taagan dhulka baadiyaha gobolka Gedo ayaa saameysay daaqa, deegaanka iyo dadkaba.
Boqolaal Xoolo dhaqato ah ayaa wajahaya xaalado macluul iyo abaaro darran, ayadoo kaliisha ay hor leedahay.
Abaar dhibaato xooggan ku heysa gobolka Gedo.
Ma jirto ilaa iyo haatan cid gargaar geysey gobolka, ayado oo dhibaatada abaaraha ay ku darmeen isgaarsiinta meelaha qaarkood oo waxyeelo ba’an ay soo gaartey markii Ciidmada Kenya ay beegsadeen dhowr barood oo ah kuwa shirkada Hormuud ee ku yaalla deegaanada xuduudda Kenya ku teedsan.
Abaaraha ayaa sidoo kale ka jiran deegaano kale oo ka mid ah Soomaaliya, sida ay dhowaan sheegeen mas’uulyiin ka tirsan Urur Gobboleedka IGAD oo ku shiray Nairobi.
Warbixinta IGAD ayaa lagu sheegay in 2 million oo qof oo ku nool Soomaaliya ay wajahayaan xaalado nololeed oo adag oo abaarta ay horseedday
UNICEF Somalia UNDP in Somalia Wfp Somalia Bisha Cas
Xanaaqaagu Ma badan yahay caruurta qeyladooda ma ku dhibtaa Caruurta aad ma udishaa Madax xanuun ma leedahay
Qeybta comments ka Imow.
𝐃𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐆𝐚𝐛𝐝𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐥𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐲𝐚𝐠𝐨𝐨 𝐚𝐚𝐧𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧.
Guurka xilligga h**e ah ee gabadha yar iyadoo aan u bislaanin la guursado, ayaa waxay ku keentaa gabdhaha yar yar dhibaatooyin dhanka caafimaadka iyo mid dhaqanba.
Waxaa jira haween badan oo Soomali ah kuwaasoo noloshooda ay saamayn ku yeelatay guurka xilliga h**e ah, oo gabadha iyadoo jir ahaan iyo maskax ahaanba aanay ugu dulqaadan karin ay noqoto haweenay reer leh islamarkaana ay adagtahay in isfaham buuxa uu ka dhasho qoyskaasi la yagleelay.
Markey Gabadhu guursato iyadoo yar dhibaatooyin badan oo xagga caafimaadka ayaa u yimaado, cudurro wey ku dhacaan, oo matalan ay ka mid tahay cudurka dhiig karka, wey kaga badan tahay gabadha dhashoyda ah ee da’deedu fiican tahay, cudurkaa waxaa la dhahaa (Eklamshiya) waxeyna ku badantahay gabdhaha yar yar ee uurka yeesha, waxaa kaloo ku dhici karo cudurradda dhalmadda ee keena xubnaheeda oo aan u diyaar garoobin in ay uur yeelato dabadeedna ay foosha ku dhibtooto, waxaa kaloo ku dhici kara haddii ay uur yeelato gabadha yaraanta lagu guursado, in ay si deg deg ah oo lama filaan ah u dhasho oo ay ka fool dhawdahay naagta dhashoyda ah, si deg deg ah marka ay u dhashana wax yaabo badan ayaa imaan karo sida in canuggu uu dhibtoodo ibadana ay ku go’do”.
Maadaama hablaha yaraanta lagu guursado ay la kulmaan dhibaatooyinka aan ka soo hadalay, ayaa dhinaca kale waxa uu sharciga caalamiga ah arintaani ka qabo waxaa inoo sharxaya Cismaan Aweys oo ka mid ah dadka u ololeeya xuquuqul aadanaha ee ku sugan Magaalada Muqdisho wuxuuna yiri “Guurka haweenka yar yar loo dadajiyo waa xaaraan, marka laga eego sharciga Madaniga ah ee Xuquuqul insaanka, wuxuu leeyahay, waa mamnuuc waana xadgudub ka dhan ah xuquuqul insaanka”.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Mogadishu
Opening Hours
| Monday | 06:00 - 17:00 |
| Tuesday | 06:00 - 17:00 |
| Wednesday | 06:00 - 17:00 |
| Thursday | 06:00 - 17:00 |
| Saturday | 06:00 - 17:00 |
| Sunday | 06:00 - 17:00 |