BDF
Xarunta Horumarinta Bulshada oo ay Aas-Aaseen Aqoonyahano Soomaaliyeed. Isku Duubni + Wax Wada Qabsi.
OGEYSIIS MUHIIM AH
Bulsho Development Foundation (BDF) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa dhammaan bulshada, la-hawlgalayaasha, deeq-bixiyeyaasha, iyo daneeyayaasha kale in magaca hay’adda laga beddelay Community Development Foundation (CDF) laguna beddelay Bulsho Development Foundation (BDF).
Sidaas darteed, laga bilaabo maanta iyo wixii ka dambeeya, dhammaan hawlaha, waraaqaha, heshiisyada, iyo isgaarsiinta rasmiga ah waxaa lagu fulin doonaa magaca cusub ee Bulsho Development Foundation (BDF).
Isbeddelkan magaceed wuxuu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo himilada iyo adeegyada hay’addu u hayso bulshada Soomaaliyeed. BDF waxay dardargelin doontaa barnaamijyada horumarinta bulshada, iyadoo mudnaanta siinaysa:
• Horumarinta dhaqaalaha dalka.
• Shaqo-abuurka iyo taageeridda qoysaska danta yar.
• Bixinta deeqaha waxbarasho iyo kobcinta fursadaha waxbarashada.
• Taageeridda barnaamijyada horumarineed ee bulshada.
Waxaan uga mahadcelineynaa bulshada iyo dhammaan daneeyayaasha taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin hay’adda, waxaana rajeyneynaa wada-shaqeyn miro dhal ah oo horseeda horumar waara.
Bulsho Development Foundation (BDF)
"Building Communities, Creating Opportunities."
20/03/2026
Ciid wanaagsan
Dhamaan Muslimiinta gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel waliba ay joogaan, ilaahey waxaan ka baryeenaa inuu inaga aqbalo soonka iyo cibaadada aan ku soo jirnay bisha barakeesneed ee Ramadaanka.
14/03/2026
🌍 KU SOO BIIR COMMUNITY DEVELOPMENT FOUNDATION (CDF)
Community Development Foundation (CDF) waa xarun bulshada loogu shaqeeyo oo u taagan horumarinta bulshada Soomaaliyeed.
Waxaan raadineynaa dad leh:
✔ Dareen adeeg bulsho
✔ Fikir horumarineed
✔ Doonaya inay ka qeyb qaataan isbeddelka bulshada
Howlaha aan qabano waxaa ka mid ah:
• Gurmadka Bani’aadanimada
• Horumarinta Caafimaadka iyo Waxbarashada
• Horumarinta Ganacsiga
• Shaqo Abuurka
• Wacyigelinta Bulshada
• Cilmi Baarista
Haddii aad rabto inaad ka mid noqoto mutadawiciinta CDF, fadlan buuxi foomkan:
👉 https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLScMkNsKGtNrM2iRaPCTEnjN1mcSN60b3Cu4ayV1BiN-5TE_iA/viewform?usp=preview
⚠️ Tani ma aha shaqo mushaar leh, waa adeeg bulsho.
Ku soo biir Telegram-keena si aad ula socoto howlaha CDF:
https://t.me/communitydevelopmentfoundation
Foomka Is Diiwaangalinta Xubinimada CDF Horudhac Muasasadda Horumarinta Bulshada CDF waxaa loo yagleelay in ay wax ka qabato Baahiyaha ku gadaaman Bulshadeena. Hadaba Si loo gaaro howlahaas oo dhan Xarunta waxay u istaagtay in ay sameyso Foomkan Diiwaangalinta Xubnaha Daneenaya in ay La Shaqeeyaan Xaruntan Horumarinta Bulshada. Howlaha CD...
13/03/2026
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the organization
Website
Address
Mogadishu
252