SALAAM UNIVERSITY STUDENTS ASSOCIATION

SALAAM UNIVERSITY STUDENTS ASSOCIATION

Share

Midowga Ardayda Jaamacadda Salaam - Salaam University Students Association

19/03/2026

EID MUBAARAK

Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SALAAM SUSA. waxay hambalyo u diraysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bah weynta Jaamacadda Salaam meel kasta oo ay joogaan, munaasabadda bilashada bisha ciidul-fidriga.

Allah SWT hainagu gaarsiiyo Eidaan eideeda kalee nabad iyo caafimaad.

{عيد مبارك تقبل الله منا ومنكم صالح لاعمال}

Photos from SALAAM UNIVERSITY STUDENTS ASSOCIATION's post 16/03/2026

Kusimaha Guddoomiyaha Jaamacadda, qaar kamid ah maamulka, iyo ardayda Jaamacadda ayaa ka qeyb galay munaasabadda Khatimul Qur’aan iyo Afur Wadajir ah oo ay soo qaban-qaabiyeen Xukuumadda Ardayda Jaamacadda ee SUSA.

Munaasabaddan qiimaha badan waxaa sidoo kale loogu duceeyay qaar kamid ah maamulka iyo ardaydii Jaamacadda ee geeriyootay, iyo kuwa haatan xanuunsan, iyadoo Alle looga baryay inuu u naxariisto kuwii geeriyooday, caafimaad degdeg ahna siiyo kuwa xanuunsan.

Maamulka Jaamacadda ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dhammaan ardayda Jaamacadda, gaar ahaan Xukuumadda Ardayda, dadaalka ay geliyeen qaban-qaabada munaasabaddan oo muujisay midnimo, is-qadarin, iyo wadajir ka dhex jira bahda Jaamacadda.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address

Wadada Wadnaha Street
Mogadishu