MOWLA

MOWLA

Share

kusoo dhawada poga MOWLA

24/04/2026

“Qabow iyo naxariistii Ilaahay 🌧️
Mid ka mid ah xasuusihii yaraanta… marka cirka roob ka muuqdo waxaan dhihi jirnay:
‘Ilaahayow, Rabbiyow, Raxmaanow roob noo keen,
Wali-waliyow, wali-nuuroow, raaxeyow roob noo keen.
Eebe hanoo siyaadiyo nmcooyinkiisa iyo naxariistiisa.

02/04/2026

Waxaa jirtay orah caan ah oo ay adeegsadaan maqaayadleyda oo waliba darbiyad maqaayada lagu qoro “Deyn maanta maya, berri haa” oola macno ah "Deyn iska iloow".

“Berri” maba dhamaato… marka la gaarana waa uun maanta.

Sidoo kale qofka leh:
“Berri ayaan qabanayaa howlaheyga”
👉 Runta waa: ma qabanayo.

Ha qiyaamin naftaada.
✔️ Qabso maanta.

16/11/2025

🌅 Subax Wanaagsan — Barako Cusub

“🌄 Waa kastoo noo bariya waa fursad kale oo Rabbiga SWT noogu deeqay.
🤲 Subaxaaga ku bilow mahadnaqa Eebbe SWT.
🕋 Rasuulka ﷺ wuxuu u duceeyay dhammaan ummadiisa isagoo Ilaahay SWT u weydiiyey in subaxdooda u barakeeyo.
Waxuuna yiri…” «اللَّهُمَّ بَارِكْ لِأُمَّتِي فِي بُكُورِهَا» Macnaha:

“Ilaahayow barako sii ummaddayda subaxdii hore.”

Waxaa weriyey:

📘 Abu Dāwūd, Tirmidhi, Ibn Mājah — xadiis xasan ah.

Barakada uu Nabigena ﷺ noo weydiiye Rabbi SWT aanka faaideysano.

02/05/2025

🌿 Sidee lagu helaa xasiloonida qalbiga?🌿
Qalbiga bini’aadamka mararka qaar wuu bukoodaa, cabsi, welwel, murugo ama rajo la’aan ayaa ku dhacda. Laakiin Qur’aanka Kariimka ah wuxuu ina barayaa in xasiloonida dhabta ah laga helo xiriirka dhow ee Ilaahay SWT lala yeesho.

🔹 الَّذِينَ آمَنُوا وَتَطْمَئِنُّ قُلُوبُهُم بِذِكْرِ اللَّهِ ۗ أَلَا بِذِكْرِ اللَّهِ تَطْمَئِنُّ الْقُلُوبُ
📖 (Surat Ar-Racad: 28),

Waxaa jira sababo badan oo qofku ugu helayo xasillooni qalbi:
Ducada iyo salaadda joogtada ah 🕌
Akhlaaqda wanaagsan iyo samirka 🌸
Tawakalka iyo isku hallaynta Ilaahay 🤲
Ka fogaanshaha dambiyada iyo qalbi nadiif ah ✨

💬 Marka uu qalbigu ku tiirsanaado Ilaahay, dhib walba wuxuu u arkaa imtixaan, farxad walbana wuxuu uga mahadnaqa Ilaahay. Tani waa furaha xasilloonida dhabta ah.❤️

🕊️ Dareenka qalbi deggan waa nimco weyn oo laga helo rumeynta iyo xuska joogto ah ee Allah SWT.

Want your business to be the top-listed Advertising & Marketing Company in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address

Geed Jaceyl, Warta-Nabada
Mogadishu
252