Baadicadde Community
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Baadicadde Community, Public & Government Service, Mogadishu.
27/05/2026
Beelweynta Baadi cadde oo digniin adag u dirtay Nuur Dhere kadib markii xiisadda labada qeyb bariga jalalaqsi iyo Galbeedka Jalalaqsi ay sii korortay maalmihii u dambeeyay. Wararka ayaa sheegaya in Beelweynta Baadi cadde ay ka digtay Dhibaatada uu ku haayo Nuur dhere Degmada Jalalaqsi iyo taageero uu siiyo Beesha uu ka dhashay Xawaadle iyo xabashada bariga jalalaqsi dagan iyadoo sidoo kale Beelweynta Baadi cadde ayaa heegan buuxo galisay Ciidamada Xoogga Beelweynta Baadi cadde si ay cashir ugu dhigaan Maleeshiyaadka Beesha Xawaadle Nuur dheere iyo xabashada la socoto mardhaw Gacanta Beelweynta Baadi cadde waxa ku bixi doono mooryaan nuur dhare Insha'Allah
25/05/2026
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Sheekh Xaaji Mahamuud Abdulle.
Waxaan Alle SWT uga baryaynaa inuu u naxariisto, u dambi dhaafo, kana waraabiyo Janatul Firdowsa, sidoo kalena uu siiyo samir iyo iimaan dhammaan ehelkii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
Tacsidan waxaa diraya Beelweynta Baadicadde, iyagoo ka tacsiyeynaya geeridaas murugada leh, una muujinaya qadarinta iyo ducada ay u hayaan marxuumka.
Alle ha u naxariisto, Janatul Firdowsa haka waraabiyo. Aamiin 🤲
22/05/2026
Kulan ballaaran oo saakay oo Jimco ah lagu taageerayay Xildhibaanada kala ah Xildhibaan Khalif Abdi Omar iyo Xildhibaan Abdiwahid Ahmed Wadaad Yare, oo kala tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Wakiilada Hirshabeelle, ayaa lagu qabtay magaalada Baladweyne.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay waxgarad, dhalinyaro, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo si weyn u muujiyay taageerada ay u hayaan labada Xildhibaan, iyagoo ku ammaanay doorkooda hoggaamineed, horumarka iyo u adeegidda bulshada.
Bulshada kasoo qeybgashay kulanka ayaa sidoo kale codsaday in labada Xildhibaan ay sii hoggaamiyaan bulshada waqtiyo badan, maadaama ay muujiyeen waxqabad iyo dadaal muuqda oo lagu horumarinayo deegaanka iyo dadka ay matalaan.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Mogadishu