SIMAD Alumni

SIMAD Alumni

Share

SIMAD Alumni

Photos from SIMAD Alumni's post 15/03/2026

Hiiraan, Soomaaliya – Maarso 2026

Guddoomiyaha Naadiga Qalinjabiyeyaasha Jaamacadda SIMAD, Mudane Mukhtar Adan Hassan, oo wakiil ka ah bahda Jaamacadda SIMAD, ayaa gargaar biyo-dhaamin ah gaarsiiyay deegaanka Xuduleey ee gobolka Hiiraan. Gurmadkan ayaa loogu talagalay qoysaska ay sida daran u saameeyeen abaaraha, gaar ahaan kuwa ka soo barakacay deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka.

In ka badan 90 qoys ayaa ka faa’iidaystay biyo-dhaamintan, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu taageerayo bulshada nugul ee la daalaa dhacaysa biyo-yarida iyo saameynta abaaraha. Tallaabadan ayaa sidoo kale muujinaysa doorka muhiimka ah ee ay qalinjabiyeyaasha Jaamacadda SIMAD ka qaadanayaan ka jawaabista baahiyaha degdegga ah ee bulshada.

Barnaamijkan bini’aadantinimo wuxuu ka mid yahay dadaallada lagu xoojinayo gurmadka abaaraha, laguna yareynayo culaysyada nololeed ee saaran qoysaska ay saameeyeen xaaladaha adag ee deegaanka.

Ugu dambayn, bahda Jamacada SIMAD iyo Qalinjabiyasha waxay markasta ka go’an inay garab istaagaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada adag ee ay wajahaan abaaraha iyo biyo la’aanta.

26/02/2026

Naadiga Qalinjabiyaasha Jaamacadda SIMAD waxa uu taageeraya, sidoo kalana bogaadinayaa go’aankan masuuliyadda leh ee Jaamacaddu qaadatay.

Waxbarashadu kuma koobna fasallada oo keliya, balse waxay ka muuqataa damqashada, garab istaagga iyo u adeegidda bulshada soomaliyeed xilliyada adag. Waxaana garab taaganahay walaalaheenna ay saameeyeen abaaraha iyo biyo-la’aanta.

Waxaan ku boorrinaynaa dhammaan qalinjabiyaasha in ay ka qayb qaataan gurmadkan bani’aadannimo.

𝗙𝗮𝗮𝗳𝗶𝗻 𝗿𝗮𝘀𝗺𝗶 𝗮𝗵: Sanadkan, annaga oo ka duulayna masuuliyadda naga saaran bulshadeenna iyo xaaladda adag ee uu dalkeennu kujiro, waxa aan go’aansannay in Afur-wadareedkeennii sannadlaha ahaa u beddelno Gurmad Bani’aadannimo oo kaalmo toos ah iyo biyo-dhaamin lagu gaarsiinayo dadka ay saameeyeen abaaraha iyo biyo-la’aanta baahsan ee dalka.

SIMAD Alumni - Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi.

Photos from SIMAD Alumni's post 21/02/2026

𝗪𝗲𝗷𝗶𝗴𝗶𝗶 𝟮𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 𝗯𝗶𝘆𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝘁𝗮 .

Maanta waxaa noo qabsoomay 𝘄𝗲𝗷𝗶𝗴𝗶𝗶 𝟮𝗮𝗮𝗱 ee barnaamijka 𝗕𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗵𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝘁𝗮 , waxaana kafaaideestay qoysas danyar ah oo kunool tuulooyin hoos-taga gobolka 𝗕𝗮𝗮𝘆 .

Barnaamijkaan ayaa qeyb ka ah gurmadka loo fidinaayo walaalaheena soomaaliyeed oo ay abaarta kusaameysay gobolada dalka .

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Address

3rd Floor, Town Campus, SIMAD University, Zoobe
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 11:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00