Run Sheek

Run Sheek

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Run Sheek, Media, Mogadishu.

23/11/2019

Qaraxii Soobe ee maanta sidee ayuu u dhacay?

Gaariga Qarxay oo ahaa nuuca raaxada qofkii lahaa ayaa saarnaa isagoo Parking kujira isgoyska Soobe ee Muqdisho.

Gaariga la qarxiyey waxaa lahaa Axmed Cumar Nimcaale oo ka shaqeeya Air port ka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo gaarigiisa dhex-fadhiya ayuu yimid nin watay qaraxa uu gaariga ku xiray, Cameradda qarsoon ayaa soo qabatay dabadeed waxaa yimid goobta Ciidanka Haramcad oo durbadiiba howlgal sameeyey isugu jira daawashada muuqaalka Camerada iyo ninkii Falkaas geystay, halkii qaraxa uu ka dhacay meel ka agdhow ayaana laga qabtay sida uu iisheegay sarkaal sare oo katirsan Ciidanka Booliiska.

Waxyaabaha Xamar ku cusub waxaa kamid ah in ninka lahaa gaariga qaraxa lagu xiray uu dhe fadhiyey kana bad-baaday Qaraxaas.

20/11/2019

Go'aanno uusan ku farxi doonin Madaxweyne Farmaajo ayaa todobaadka soo socda kasoo bixi doona golaha shacabka kuwaasoo la xiriira nuuca doorasho ee Madaxweynuhu rabo iyo qaabka ay u rabaan golaha shacabka in doorashadu ay u dhacdo.

Guddiga doorashada ee golaha shacabka xildhibaan katirsan ayaa iisheegay in ay heleen xogo tilmaamaya in Madaxweynuhu diyaariyey ciidan laga yaabo in dadka dowladda dhaliila ee baarlamaanka ku jira iyo siyaasiyiintaba ay xir-xiraan.

Ciidankaas xoogga loogu adeegsan doono danaha qaaska ah ee Madaxweynaha ayuu iisheegay Xildhibaankan katirsan guddiga in la diyaariyey oo la isku duba riday todobaadkan.

22/10/2019

: Ahlusuna oo magacowday guddi doorasho oo dhisa Galmudug kale.

Want your business to be the top-listed Media Company in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address

Mogadishu