Somali Journalists Syndicate - SJS

Somali Journalists Syndicate - SJS

Share

Independent #PressFreedom and Union of Journalists in Somalia | Winner of Human Rights Tulip Award 2025 | Member of IPI, CRN, CAJ, UNCAC & CIVICUS Coalition.

30/05/2026

LAASCAANOOD: Somali Journalists Syndicate - SJS waxay si adag u cambaareyneysaa falka xarigga ah ee loo geystay wariye Khadar Tarabi oo ka mid ah suxufiyiinta ka hawlgala deegaanka, kaas oo maalintii Khamiista laga soo xiray deegaanka Kalabaydh ee gobolka Sool.

Khadar wuxuu bartiisa Facebook ku baahiyay qoraal ku saabsan booqashada Wasiirka Caddaaladda ee Puntland uu maalmihii Ciidda ku tagay deegaanka Kalabaydh, taasoo ah warbixin saxaafadeed oo ay suxufiyiintu xaq u leeyihiin.

waxay ku baaqaysaa in si deg deg ah oo shuruud la'aan ah lagu siidaayo suxufiga, lana joojiyo falalka xarigga iyo caburinta warbaahinta ee dhowaanahan ku soo laalaabtay deegaanka Waqooyi Bari.

https://sjsyndicate.org/2026/05/29/journalist-detained-without-charge-following-social-media-post-about-puntland-ministers-visit-to-sool-region/

22/05/2026

Somali Journalists Syndicate - SJS waxay walaac ka muujineysaa hadalka dhowaan kasoo yeeray guddoonka qeyb ka mid ah Guddiga Dowladda ee Xuquuqda Aadanaha oo hadda labo u kala qeybsan - hadalkaas oo ku baaqaayay in "la xadido" isticmaalka warbaahinta bulshada ee gudaha Soomaaliya.

Dhawaaqaan wuxuu halis ku yahay xorriyadda hadalka iyo warbaahinta xilli ay meel un marayaan weerarada caburinta ee lagu haayo suxufiyiinta iyo warbaahinta Soomaaliyeed, isla markaana badan loo xirxiray soo gudbinta aragtidooda dastuuriga ah.

Somali Journalists Syndicate - SJS waxay dareensan tahay in Guddiga Xukuumadda sameysatay ee Xuquuqul Insaanka uu hadda labo koox u qeybsan yahay, taasoo daba joogta war saxaafadeedkii (qeybta hoose ka eeg war saxaafadeedka👇🏾) ay koox ka mid ah soo saareen horraantii Febraayo ee sannadkan, ka dib habkii mugdiga ahaa iyo is-qabqabsigii ka dhashay magacaabista xukuumadda ee xubnaha guddigaan.

https://www.facebook.com/reel/971430438918166

09/05/2026

"WAAN KA DAALNAY XARIGGA WARIYAASHA, HADDA KA DIB WAA DIL!" - Taliyaha Booliska G/Banaadir, Ex-Shabaab Macalin Mahdi

Markii xalay la afduubay saddexda wariye ee kala ah: Maxamed Bulbul, Cabdixafiid Nuur Barre iyo Cabdishakuur Maxamuud, waxaa xilli dambe la geeyay xarunta Taliska Booliska G/Banaadir, halkaas oo qol loogu geeyay Mahdi Cumar Muumin oo ku caan ah magaca Macalin Mahdi.

Macalin Mahdi, oo hadda ah Taliyaha Booliska G/Banaadir, horeyna u ahaan jiray xubin ka tirsan kooxda argagixisada ee Shabaab, ayaa ku goodiyay in haddii suxufiyiinta ay ka aamusi waayaan tebinta bannaanbaxyada, iyo kiiska Sacdiyo Bajaaj, in markaan ka dib "la dili doono!."

Macalin Mahdi ayaa suxufiyiinta u sheegay "inay ka daaleen xarigga suxufiyiinta.".

https://sjsyndicate.org/2026/05/09/u-s-trained-somalia-counter-terrorism-police-nisa-physically-attack-journalists-kidnap-them-in-mogadishu/

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Address

Maka Al-Mukarama
Mogadishu
252