Somali Development and Reconstruction Bank
Driving inclusive growth through strategic finance, sector development, and sustainable investments in Somalia.
09/12/2025
Waqtigii loo asteeyay gudbinta codsiyada shaqooyinka bannaan ee SDRB ayaa hadda si rasmi ah u soo dhammaaday.
Waxaa bilaaban doona dib-u-eegista dhammaan codsiyada, waxaana waqti kooban gudihiisa lala soo xiriiri doonaa shaqsiyaadka ku soo baxa liiska hordhaca (short-listed candidates). Bankiga Horumarinta waxaa uu mahadnaq gaar ah u jeedinaayaa dhammaan codsadayaasha.
03/12/2025
Bankiga Horumarinta iyo Dib-u-Dhiska Soomaaliyeed (SDRB) ayaa shalay soo gabagabeeyay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Bangiga (Board Meeting) oo socday laba maalmood, taas oo ah guul horudhac uu ah wajiga xiga ee dhammaystirkiisa.
Kulankan waxaa shir guddoomiyey Guddoomiyaha Bankiga, Marwo Hodan Cusmaan, waxaana ka soo qaybgalay xubnaha cusub ee Guddiga oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Maaliyadda Mudane Bixi Iman Cigeh, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi iyo afar xubnood oo kale. Waxyaabaha diiradda lagu saaray waxaa ka mid ahaa himilada Bankiga, mudnaanta maalgelinta iyo aragtida fog ee SDRB.
Xubnaha Guddiga, oo leh khibrad qoto dheer dhanka arrimaha maaliyadda iyo bangiyada, ayaa dib u eegay horumarka uu sameeyey bankiga ilaa asaaskiisi. Goluhu waxay soo jeediyeen talooyin mudnaan ballaaran leh oo lagu xoojinayo doorka mas’uuliyadeed ee SDRB. Ujeeddadu waa sidii loo xaqiijin lahaa in uu noqdo hay’adda hormuudka u ah maalgelinta horumarineed ee dalka.
Wasiir Bixi ayaa kulanka ka sheegay in Guddiga Bangiga loo dhisay si madaxbannaan oo hufan, wuxuuna mar kale xaqiijiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u taageereyso horumarinta Bankiga. Dhankiisa, Guddoomiye Cabdiraxmaan Cabdillahi wuxuu tilmaamay muhimadda hawsha SDRB ee fududaynta maalgelinta iyo taageerada farsamo ee qaybaha wax-soo-saarka dalka.
Guddiga ayaa sidoo kale kulammo la yeeshay saaxiibbada Soomaaliya ka taageera dhanka horumarinta (Development Partners), kuwaas oo ammaanay horumarka bankiga iyo sida uu u qeexay jihada istaraatiijiyadeed ee lagu xoojinayo silsiladaha qiimaha dhaqaalaha.
Maaddaama Guddigu hadda uu si rasmi ah uu u hawl galay, xubnuhu waxay door muhim ah ka qaadan doonaan qaabaynta himilada iyo hadafka SDRB, taas oo muujinaysa wejiga cusub ee koboca Bankiga.
11/11/2025
FURSAD SHAQO!
Bankiga Horumarinta iyo Dib-u-Dhiska Soomaaliyeed (SDRB) wuxuu ku dhawaaqayaa fursad shaqo oo bannaan oo loogu talagalay sarkaal sare oo ku takhasusay Maareynta Arrimaha Shaqaalaha (HR Manager).
Macluumaadka faahfaahsan ee ku saabsan shuruudaha iyo habka codsiga waxaad ka heli kartaa link-ga hoose ama QR-koodka ku lifaaqan sawirka.
𝗙𝗶𝗶𝗿𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿 𝗮𝗵: 𝗕𝗼𝗼𝘀𝗸𝗮 𝗛𝗥 𝗠𝗮𝗻𝗮𝗴𝗲𝗿 𝘄𝗮𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝗸𝗮 𝗱𝘂𝘄𝗮𝗻 𝗯𝗼𝗼𝘀𝗸𝗮 𝗛𝗥 𝗢𝗳𝗳𝗶𝗰𝗲𝗿 𝗲𝗲 𝗵𝗼𝗿𝗲 𝗹𝗼𝗼 𝘀𝗵𝗮𝗮𝗰𝗶𝘆𝗮𝘆.
🕐 Waqtiga k**a dambaysta ah ee codsiyada: 5-da December 2025, (11:59 pm).
🌐 www.sdrb.gov.so/careers
11/11/2025
FURSAD SHAQO!
Bankiga Horumarinta iyo Dib-u-Dhiska Soomaaliyeed (SDRB) wuxuu ku dhawaaqayaa fursad shaqo oo bannaan oo loogu talagalay sarkaal sare oo ku takhasusay maamulka iyo horumarinta hababka Teknolojiyadda (Senior ICT Officer).
Macluumaadka faahfaahsan ee ku saabsan shuruudaha iyo habka codsiga waxaad ka heli kartaa link-ga hoose ama QR-koodka ku lifaaqan sawirka.
🕐 Waqtiga k**a dambaysta ah ee codsiyada: 5-da December 2025 (11:59 pm).
🌐 www.sdrb.gov.so/careers
08/11/2025
FURSAD SHAQO!
Bankiga Horumarinta iyo Dib-u-Dhiska Soomaaliyeed (SDRB) wuxuu ku dhawaaqayaa fursad shaqo oo bannaan oo loogu talagalay sarkaal ku takhasusay maamulka mashaariicda iyo barnaamijyada (Projects and Programs Officer).
Macluumaadka faahfaahsan ee ku saabsan shuruudaha iyo habka codsiga waxaad ka heli kartaa link-ga hoose ama QR-koodka ku lifaaqan sawirka.
🕐 Waqtiga k**a dambaysta ah ee codsiyada: 5-da December 2025, (11:59 pm).
🌐 www.sdrb.gov.so/careers
08/11/2025
FURSAD SHAQO!
Bankiga Horumarinta iyo Dib-u-Dhiska Soomaaliyeed (SDRB) wuxuu ku dhawaaqayaa fursad shaqo oo bannaan oo loogu talagalay sarkaal ku takhasusay qeybta maalgelinta (Investments Officer).
Macluumaadka faahfaahsan ee ku saabsan shuruudaha iyo habka codsiga waxaad ka heli kartaa link-ga hoose ama QR-koodka ku lifaaqan sawirka.
🕐 Waqtiga k**a dambaysta ah ee codsiyada: 5-da December 2025, (11:59 pm).
🌐 www.sdrb.gov.so/careers
08/11/2025
FURSAD SHAQO!
Bankiga Horumarinta iyo Dib-u-Dhiska Soomaaliyeed (SDRB) wuxuu ku dhawaaqayaa fursad shaqo oo bannaan oo loogu talagalay sarkaal ku takhasusay naqshadeynta iyo soo saarista muuqaalada (Multimedia Officer).
Macluumaadka faahfaahsan ee ku saabsan shuruudaha iyo habka codsiga waxaad ka heli kartaa link-ga hoose ama QR-koodka ku lifaaqan sawirka.
🕐 Waqtiga k**a dambaysta ah ee codsiyada: 5-da December 2025, (11:59 pm).
🌐 www.sdrb.gov.so/careers
08/11/2025
FURSAD SHAQO!
Bankiga Horumarinta iyo Dib-u-Dhiska Soomaaliyeed (SDRB) wuxuu ku dhawaaqayaa fursad shaqo oo bannaan oo loogu talagalay sarkaal ku takhasusay Maareynta Arrimaha Shaqaalaha (HR Officer).
Macluumaadka faahfaahsan ee ku saabsan shuruudaha iyo habka codsiga waxaad ka heli kartaa link-ga hoose ama QR-koodka ku lifaaqan sawirka.
🕐 Waqtiga k**a dambaysta ah ee codsiyada: 5-da December 2025, (11:59 pm).
🌐 www.sdrb.gov.so/careers
12/10/2025
𝐇𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐚𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝! 🇸🇴🎉
Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-Dhiska Soomaaliyeed (SDRB) wuxuu shacabka Soomaaliyeed u dirayaa hambalyo ku aaddan Maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar.
08/10/2025
Agaasimaha Guud ee Bankiga Horumarinta iyo Dib-u-Dhiska Soomaaliyeed (SDRB) Mudane Adan Roble ayaa shalay khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Qaran ee Suuqa Kaarboonka Somaaliya oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada - JFS.
Agaasimuhu wuxuu tilmaamay in SDRB uu dhammeeyay daraasad qiimeyn ah oo lagu cabbiraayay heerka ay Soomaaliya uga diyaar-tahay ka-qaybgalka suuqa kaarboonka, isagoo xusay in SDRB sii wadi doono garab istaagga dowladda si loo abuuro jawi dhiirrigeliya ka-qaybgal wax ku ool ah.
Wuxuu intaas ku daray in SDRB uu qorsheynayo maalgashi oo daboolayo meelaha daciifka laga arkay intii lagu samaynayay qiimeeynta, isla markaana uu xoojiyo iskaashiga uu la leeyahay Wasaaradda Deegaanka si h**e loogu sii wado dadaallada dalka ee la xiriira cimilada iyo horumarinta dhaqaalaha cagaaran.
27/09/2025
📢 𝗢𝗴𝗲𝘆𝘀𝗶𝗶𝘀
Barnaamijka U-Diyaargarowga Maalgashiga (IRP):
Waqtiga k**a dambaysta ah ee lagu gudbin karo codsiyada waa 30ka Sebtembar 2025. 𝟯 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗺𝗼𝗼𝗱 𝗸𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗸𝗮 𝗵𝗮𝗿𝗮𝘆!
Ganacsigaagu ma ka shaqeeyaa mid ka mid ah laamahaan?
🌱 Beeraha
🐟 Kalluumeysiga
🐑 Xoolaha
⚡ Tamarta dib loo cusboonaysiin karo
𝗞𝗮 𝗳𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗱𝗲𝗲𝘆𝘀𝗼 𝗳𝘂𝗿𝘀𝗮𝗱𝗱𝗮𝗮𝗻 maalgashi ee qiimaha leh. Guji halkaan oo 𝘀𝗼𝗼 𝗰𝗼𝗱𝘀𝗼 𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮! 👇
https://shorturl.at/KbwTM
25/09/2025
📢 𝗢𝗴𝗲𝘆𝘀𝗶𝗶𝘀
Barnaamijka U-Diyaargarowga Maalgashiga (IRP):
Waqtiga k**a dambaysta ah ee lagu gudbin karo codsiyada waa 30ka Sebtembar 2025. 𝟱 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗺𝗼𝗼𝗱 𝗸𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗸𝗮 𝗵𝗮𝗿𝗮𝘆!
Ganacsigaagu ma ka shaqeeyaa mid ka mid ah laamahaan?
🌱 Beeraha
🐟 Kalluumeysiga
🐑 Xoolaha
⚡ Tamarta dib loo cusboonaysiin karo
𝗞𝗮 𝗳𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗱𝗲𝗲𝘆𝘀𝗼 𝗳𝘂𝗿𝘀𝗮𝗱𝗱𝗮𝗮𝗻 maalgashi ee qiimaha leh. Guji halkaan oo 𝘀𝗼𝗼 𝗰𝗼𝗱𝘀𝗼 𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮! 👇
https://shorturl.at/KbwTM
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Mogadishu
Opening Hours
| Monday | 09:00 - 17:00 |
| Tuesday | 09:00 - 17:00 |
| Wednesday | 09:00 - 17:00 |
| Thursday | 09:00 - 17:00 |
| Saturday | 09:00 - 17:00 |
| Sunday | 09:00 - 17:00 |