Codka Garashada
waxbaro, wax ogow, wax bedel.
#Codkagarashada
Yaa dhab ahaan maamula Dowladda?
14/04/2026
Most people blame leaders.
Smart people study institutions.
Because systems outlive individuals.
Dad badan waxay eedeeyaan hoggaamiyeyaasha marka wax qaldamaan.
Laakiin su’aasha saxda ah waa:
Nidaamku sidee buu u dhisan yahay?
Hoggaamiye wuu tagaa.
Mid kale ayaa yimaada.
Laakiin haddii nidaamku liito natiijadu way sii soconaysaa.
Hay’ado xooggan waxay dhisaan xasillooni.
Hay’ado daciif ahna waxay abuuraan jahawareer joogto ah.
Qofka caqliga leh ma eego hal qof oo keliya.
Wuxuu daraaseeyaa:
– Sida awoodda loo qaybiyo
– Sida xeerarka loo sameeyo
– Iyo cidda dhab ahaantii xakamaysa go’aamada
Haddii aad rabto isbeddel dhab ah:
Ha ku ekaan dhaleeceynta qof.
Faham nidaamka halkaas ayuu isbeddelku ka bilaabmaa.
09/09/2025
Sidee u baran kartaa xirfad cusub si degdeg ah oo waxtar leh?
U qaybi afartaan tilaabo.
• Deconstruction (Kala-furfurid) U kala qaybi xirfada qaybo yaryar oo la maareyn karo.
• Selection (Xulasho) Aqoonso qaybaha ugu muhiimsan ee natiijada ugu weyn kuu keenaya kuna bilow.
• Sequencing (Isku xigsiin) U habee qaybaha sida ugu macquulsan ee aad ku baran karto.
• Stakes (Balanqaad) Samee balanqaad ama cawaaqib si aad naftaada ugu qasabto inaad ku dhaqaaqdo.
• Habkan wuxuu meesha ka saarayaa dareenka culeyska wuxuuna kuu ogolaanayaa inaad diirada saarto hal shay markiiba.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Mogadishu