Taajir Show
24/7 Breaking News & Live Updates
21/03/2026
Gabar Soomaaliyeed oo mudo dhan 20 sano ku noolayd dalka Sweden 🇸🇪 isla markaasna u leh 3 carruur ah nin u dhashay dalkaas.
Dowladda Sweden ayaa hada qorsheyneysa in iyada la tarxiilo, halka carruurteeda ula wareegayo aabahood.
Xalka qurbaha waa sidaan Allow na amaanso.
07/03/2026
Warbixin: Dowladda Federaalka oo Qorsheyneysa Mashruuc Dahab Qodis ah oo ka Bilaabanaya Deegaanka Milxo
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso mashruuc cusub oo lagu horumarinayo qodista dahabka ee gobollada waqooyi-bari dalka, gaar ahaan deegaanka Milxo. Sida wararku tilmaamayaan, dowladda ayaa iskaashi la sameyneysa laba shirkadood oo caalami ah oo fadhigoodu yahay Singapore iyo Turkiga, kuwaas oo ka shaqeyn doona sahminta, qodista iyo farsamaynta dahabka laga helo aaggaas.
Deegaanka Milxo ayaa sannadihii u dambeeyay noqday goob si weyn loogu qodo dahabka, iyadoo kumannaan qof oo ka kala yimid gudaha Soomaaliya iyo dalal kale ay halkaas u tageen raadinta macdanta. Mashruucan la qorsheynayo ayaa la filayaa inuu nidaamiyo qodista macdanta, kordhiyo dakhliga dowladda, isla markaana abuuro shaqooyin cusub, inkastoo ay weli jiraan caqabado la xiriira maamulka, sharciyeynta iyo ammaanka gobolka.
06/03/2026
🚨Warbaahinta CBS News ayaa sheegtay in Mareykanka illaa hadda uu limiyay 3 diyaaradood oo nooca MQ‑9 Reaper ah intii ay socdeen howlgalada militari ee la xiriira xiisadda kala dhaxeysa Iran.
Drones-kan oo ka mid ah kuwa ugu horumarsan ee Mareykanku adeegsado ayaa loo isticmaalaa kormeer, sirdoon iyo weerarro bartilmaameed ah.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in qiimaha halkii drone oo MQ-9 Reaper ah uu u dhaxeeyo $32 milyan ilaa $56 milyan, taasoo ka dhigan in khasaaraha Mareykanka ka soo gaaray luminta saddexdan diyaaradood uu gaari karo boqolaal milyan oo dollar.
Xaaladdan ayaa muujinaysa culayska iyo kharashaadka ka dhashay xiisadda militari ee sii kordheysa ee gobolka.
05/03/2026
Markii siyaasadda iyo hubku shaqayn waayeen… Trump wuxuu yiri “bal marka h**e aan duceysano.” 😄