Ahmed Ali

Ahmed  Ali

Share

journalist

18/04/2026

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay labo markab oo isku dayay inay ka gudbaan marin-biyoodka Hormuz inay waxyar ka hor la kulmeen weerar ku qasbay inay dib uga laabtaan , taa oo dhalisay inay maraakiibtu joojiyaan socodkooda, saacado ka dib markii Iiraan ku dhawaaqday in dib loo xiray Hormuz.

14/04/2026

Warbaahinta Bloomberg ayaa ku warrantay inay socdaan wadahadallo u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan si loo qabto wareeg kale oo wada-hadallo toos ah, loona gaaro xabbad-joojin waqti dheer ah.

Warbixintan ayaa lagu sheegay ujeeddadu inay tahay in la qabto wareeg cusub oo wada-hadallo ah ka hor inta aanu dhammaan heshiiska xabbad-joojinta, iyadoo mar kale la soo jeediyay wareegga labaad ee wada-hadallada inay martigeliso Islamabad,oo wareeggii h**e lagu qabtay.

12/04/2026

Senatar Andy Kim oo ka tirsan golaha Senat-ka Mareykanka ayaa sheegay inuu caro iyo niyad-jab ka qaaday wafdiga uu Trump u diray inay ku matalaan wadahadallada Iiraan ee fashilmay.

Wuxuu si gaar ah u dhaliilay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, J.D. Vance, isagoo yiri: “Mareykanku wuxuu u baahan yahay wada-hadallo dhab ah, ma aha kuwo muuqaal iyo bandhig uun ah.”

Wuxuu sidoo kale sheegay:

“Ma wuxuu Vance u maleeyay inuu hal maalin ku xallin karo khilaaf socday tobannaan sano oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan?

Wuxuu intaas ku daray in Vance uu doonayay in wada-hadalladu hal maalin ku dhammaadaan, halka uu shan maalmood oo buuxa ku qaatay bishii Febraayo ka qeyb galka ciyaaraha Olombikada jiilaalka.

Kim oo soo noqday diblomaasi wuxuu sheegay in diblomaasiyaddu ay u baahan tahay qorsheyn sax ah, khibrad farsamo, iyo xiriir joogto ah gaar ahaan xilliga dagaal jiro.

Ugu dambayn, wuxuu sheegay in askarta Mareykanka ee halista ku jira iyo shacabka Mareykanka ee la dhibtoonaya qiimaha shidaalka ay mudan yihiin wada-xaajood dhab ah, ee aysan mudnayn wada-hadallo uun muuqaal ah.

Telephone

Website