Influential Facts
Nearby schools & colleges
866 The Queensway
political,education,sports,issues.
War deg-deg ah:
Deynta Ganacsade ina Af-diin leh ee Jaamacadda Alpha-Burco:
Ganacsadaha caanka ah ee INA AF-DIINLE ayaa ku yeeshay guddoomiyaha Jaamacadda Alpha-Burco lacag dhan $1,450,000 (Milyan Afar boqol iyo konton kun oo dollar). Wararka hor dhaca ah ee ka soo baxaaya xogta ilaa hada la hayo ayaa sheegaya in shantii todobaad ee ugu danbeeyey hanti dhawr ku jiray xisaabaadka shirkada Qaadka ee ina af-diinle oo uu xisaabiye ka ahaa muddooyinkii danbe guddoomiyaha Jaamacadda Alpha-Burco Cabdiqani Ibrahim Xasan.
Sida ay xaqiiyeyeen ilo xogogaal ah oo aan la xidhiidhnay waxaa socda oo dhexda lagaga jiraa baadhintaanka xisaabta uu wado hanti dhawrka guud ee shirkada Al-najax (ina af-diinle) oo 4-5 sanadood ee ugu danbeeyey la baadhayo.
Sida ka muuqata natiijada hor dhaca ah ee baadhitaanka oo aan weli dhamaan ayaa waxaa la filayaa in deyntu intaas ka badan karto, iyada oo la saadaalinaayo in ay gaadhi karto ilaa $2, 000,0000 (laba million oo dollar).
Inta la ogyahay waxaa la xayiray dhammaan wixii hanti uu lahaa gudoomiye Cabdiqani, iyada oo lagu daray ciidan police ilaalo ah oo la socda dhaqdhaqaaqiisa inta xisaabta iyo baadhitaanka la dhamays tiraayo. Waxaa kale oo xogaha qaar sheegayaan in laga qoray warqada nootaayo ah oo sheegaysa in uu qirtay in lagu leeyahay lacatgan $1,450,000 (Milyan Afar boqol iyo konton kun oo dollar), diyaarna u yahay in uu dayn baxo.
HANTIDANI XAGEE AYAY KU MAQANTHAY?
Waxaa laga yaabaa in dad badani is weydiinayaan meesha lacagta xadigan lihi ay martay. Marka loo eego hab dhaqanka looga bartay gudaaomiyaha muddoyinkii uu maamulaayay jaamacadda iyo makhsinka qaadka labadaba; iyo kharashaadka waalida ah ee uu qarxinaayo maalinta qudha, waxaa shaki badan laga qabay meesha kharashkan faraha badani ka so baxaayo.
Si kastaba ha ahaatee, waxa aan maalmaha soo socda idinla wadaagi doonaa meelaha loo tuhmaayo ee lacagtani ku maqantahay. Waxa kale oo aanu soo gudbin doonaa dhaqankii kaganaa ee uu ku soo kordhiyey bulshada, gaar ahaan bahda waxbarashadaba.
La soco xogo dheeraad ah oo kaa yaabin doona maalmaha soo socda!.
Influential Facts
Labo Jaamacadood Oo Burco Ku Yaalla Oo Magacyadii Iska Bedelaya Iyo Ardaydii Oo Talaabadan Ka Gows Adaygay?
Burco [Irmaan News] Maamulka jaamacadaha Gollis iyo Alpha, ee magaaladda Burco, ayaa bedelaya magacyadooda sida ilo wareedyo u xaqiijiyeen Irmaan News
Maamulka Jaamacadda Gollis, ayaa magaca jaamacadda bedelaya sida ay u sheegeen ardayda jaamacadda dhigata xili ay kulamo la qaateen, waxaana ilo wareedyo u xaqiijiyeen Irmaan News, in maamulkii guud ee jaamacadda Gollis, ay is khilaafeen taasna ay ku amreen in sannadka cusub magaca bedelaan faraceedda Burco
Weli lama xaqiijin ardaydana looma sheegin magaca jaamacadu la baxday ama lagu bedelay magacii h**e
Maamulka jaamacadda Alpha Burco, ayaa ardayda u sheegay in magaca jaamacadda la bedelayo taas oo ardaydu ka biyo diideen
Jaamacadda Alpha, ayaa loo bixinayaa Siraaj, sida ilo wareedyo u xaqiijiyeen Irmaan News
Labadda jaamacadood ee magaca bedelaya ayaa ardayda dhigataa walaac xoogan ka muujiyeen in talaabadani ay samaynayaan jaamacaduhu ay hoos u dhac ku keeni karto shahaaddada ardaydaasi
Magaaladda Burco, waa wax iska caadi ah in jaamacad magaca bedesho waayo h**e waxa magaca isaga bedeshay jaamacadii Addis Ababa, oo la baxday magaca Togdheer
Xogaha ayaa xaqiijinaya in maamuladda labadda Jaamacadood ee Alpha Iyo Gollis Burco, ay ku heshiiyeen in magacyadda mar la wadda bedelo si loo moodo in amar ku wadda dhacay
Isha Xogta:- Irmaan News
Please like share my page Influential Facts
12/28/2021
Leo Messi Fans Team Messi
12/28/2021
Cristiano Ronaldo Fans Cristiano Ronaldo Fans group
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the school
Website
Address
Toronto, ON