Hangool

Hangool

Share

Arag-Maqal-Oog

09/10/2025

Guusha waa wax la is barbardhigi karo (Relative) qofwalba siduu u dareemo ayuu u arkaa macnaha guusha amase haddaan sikale kuugu dhigo guusha way macno badantahay mana lahan qeexitaan u gooni ah oo la isku raacay. Waxaan shaki kujirin inaan la isku raacsaneen waxa guul loo yaqaano balse adiga iskuday inaad ka jawaabto su’aashaan: Maxaad guul u taqaanaa maxaase ku cabirtaa guusha?

Waxaa jirta su’aal aheed waa maxay guusha? Oo la weydiiyey aqristayaasha Wargeyska “The Dreamer’s Guide Motivation newsletter” Bal aan kusoo gudbiyo jawaabaha ay kasoo kala bixiyeen:

Isaac Alex Phiri:

“Aniga ma sheegi karo macnaha dhabta ah ee guusha lakiin waxaan kusoo koobi lahaa hab fudud oo ah:

1. Inaad gaarto barta riyadaada kuu tilmaamayso
2. Markaad hesho waxa aad u baahantahay
3. Markaad ka talaabsato daruufaha iyo caqabadaha nolosha

Geoffrey Nkhoma:

“Aniga guusha waxaan ku cabiri lahaa farxada; farxadaas oo ka imaanaysa markii aan aragno dadka aan jecelnahay oo faraxsan masii jirayso farxada haddii anaga oo kalliya aan faraxsanahay.”

Janett Kalale:

“Guusha macnaheedu waa inaad gaarto natiijada ugu sareyso ugunna macquulsan.”

Mary Masumbuko:

“Guusha waa inaad isku dhiibto Allah: Waa bixiyaha nabadda dhabta ah ee addanuhu raadiyo. Guusha waa xakameenta noloshaada, Inaad qaabbayso qorshaha noloshaada oo aad xaqiijiso [Sidii aad ku gaari laheed]…Taas ayaan guul u arkaa.”

Suurta gal waaye inaad nolosha ku guulaysato adigoo aadan hanti badan tacbanin.

Sikastaba, Waxaan layaabbay waxa adiga guul kuu ah dadka kale guul umma ahan!

Haddaba, Bal aan isla eegno waxa ay ka yiraahdeen iyo qeexitaanada ay ka kala bixiyeen aqoonyahanada guusha odorosta iyo Qaamusyada kala duwan.

1. Jim Rohn:

“Guusha waa inaad samayso shey iska caadi ah adigoo u samaynaayo hab aan caadi aheen.”

Humphrey:

“Waxaan guul u garannayaa sida soo socota:
1. Farxadda qoyska
2. Xiriirka aad la leedahay Allah
3. ku kalsoonaanta nolosha

Af-Soomaaliga:

1. Dagaalka ama tartanka oo lagu adkaado; lib; libin; liibaan.
2. Cid haddadid ama Xoolo aroor oo wabax ah meel ceelka u dhow habeen u hoyasho.

Webster’s:

1. Inaad hesho ama aad gaarto Hoddantinimo, Caannimo.
2. Inaad saxdo ama aad gaarto iskuday aad jamatay.

Oxford:

1. Inaad gaarto himilo ama ujeedo.
2. Inaad hesho Caannimo, Hodantinimo ama aqoonsi bulsho.

Want your business to be the top-listed Media Company in Toronto?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


19 Bergamot Avenue
Toronto, ON
M9W1W1