KAAL MEDIA

KAAL MEDIA

Share

Warbaahin dhexdhexaad ah | Warar & Waraysiyo tayo leh | Arrimaha siyaasadda Geeska Afrika iyo caalamka | Ku mahadsanid taageeradiinna.

06/14/2026

Jiic-boor: 500 Askari oo Cusub, Hub iyo Gaadiid Dagaal Oo Lagu Diiwaangelinayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

06/14/2026

||Wajiga koowaad ee diiwaangelinta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday Degsiimada Jiicboor.

Diiwaangelintan oo qeyb ka ah qorshaha lagu tayeynayo laguna xoojinayo ciidamada qaranka, ayaa lagu diiwaangelinayaa dhalinyarada buuxisay shuruudaha ku biirista Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Photos from KAAL MEDIA 's post 06/13/2026

DEG DEG|| Shil gaari oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa Galabta ka dhacay nawaaxiga degmada Bookh.

Sida ay ilo lagu kalsoon yahay noo xaqiijiyeen, shilkaasi waxaa ku geeriyooday wiilka sawirkiisu idiin muuqdo, halka laba ruux oo kale ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan.

06/13/2026

Deg-Deg:-Madaxweyne h**e Shekh Shariif oo hadda hadlaya ayaa sheegay in dowladu qorsheysay in ay khaarajiso isaga iyo aamadaxda kale ee mucaaradka.!

06/13/2026

|| Gaadiid tiro badan oo sida qoysas reer guuraa ah ayaa maal-mihii u dameeyay ka gudbayay Degmada Galdogob , kuwaas oo ka soo hayaamay deegaanno kala duwan oo ay saameeyeen abaaro iyo biyo la’aan baahsan.

Sida ay warbaahinta u sheegeen wadayaasha gaadiidkaasi, dadka hayaanka ah waxay ka yimaadeen deegaannada Sangaduud, Hobyo, Galinsoor, Docolay iyo ilaa Bandiiradley, halkaas oo ay muddooyinkii u dambeeyay ka jireen xaalado adag oo la xiriira abaaraha, kuwaas oo saameeyay dadka iyo duunyada ku nool miyiga.

06/11/2026

Xasan Sheekh oo markiisa soo fariistay……………..

06/11/2026

War Deg Deg ah 🚨🚨 Gooood news Hambalyo ❤️

Garsooraha Soomaaliyeed Omar Artan aya loo dhiibay inu dhexdhexaadiyo finalka koobka uefa super cup ee dhex mari doona kooxaha PSG & Aston Villa.

Musiibadi koobka aduunka ka qabsatay kheyr u noqotay

06/10/2026

Galdogob – Guddoomiyaha Degmada Galdogob, Mudane Xasan Faarax Ayaxle, ayaa maanta xafiiskiisa ku soo dhoweeyay Wasiirkii h**e ee Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax, oo booqasho ku yimid degmada.

Kulanka ayaa ahaa mid is-xogwaraysi iyo is-dhaafsi aragtiyeed ah, waxaana looga hadlay xaaladda guud ee degmada, horumarka ka socda, doorka ay masuuliyiinta h**e iyo waxgaradku ku leeyihiin taageeridda dadaallada horumarineed, iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta bulshada iyo maamulka.

Guddoomiye Xasan Faarax Ayaxle ayaa Wasiirkii h**e uga mahadceliyay booqashadiisa, isagoo tilmaamay in ay muhiim tahay in la adkeeyo xiriirka iyo wada-tashiga ka dhexeeya masuuliyiinta heerarka kala duwan soo soo qabtay xilalka dalka iyo maamulka degmada.

Dhankiisa, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa bogaadiyay dadaallada maamulka degmada ee ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada, amniga iyo xasilloonida, isagoo muujiyay taageeradiisa ku aaddan hawlaha lagu horumarinayo degmada Galdogob.

06/10/2026

War Deg Deg : Cumar Cartan ayaa goordhow soo dagay.

06/09/2026

Wararka laga helayo Taliska Ciidanka Birmadka Puntland ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay dhammaan ciidamadii lagu eedeeyay inay b**b iyo tacaddiyo ka geysteen magaalada Garoowe.

Ilo xog-ogaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in galka dacwaddooda loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada, isla markaana la qorsheynayo in si fagaare ah loo maxkamadeeyo si bulshada ay ula socoto hannaanka caddaaladda iyo natiijada ka soo baxda kiiska.

Dhacdadan ayaa dhacday Sabtidii, kaddib markii ciidamo gadoodsan ay falal amni-darro iyo dhibaatooyin ka dhan ah shacabka ka geysteen qaybo ka mid ah magaalada Garoowe.

Tallaabada lagu xiray ciidamadaasi ayaa loo arkaa mid lagu xoojinayo isla xisaabtanka, ku dhaqanka sharciga, iyo ilaalinta amniga shacabka.

Ciidanka Birmadka Puntland waa qayb ka mid ah hay’adaha ammaanka Puntland, waxaana loo xilsaaray ka hortagga iyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee amniga.

Want your business to be the top-listed Media Company in Toronto?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Toronto, ON