Eidan Tech

Eidan Tech

Share

News personalty

Photos from Eidan Tech's post 12/10/2022

Itaxaanaadkii Deegaanka ee cilmiga bulshada oo si wanaagsan kusoo idlaaday ayna u fadhiisteen ku dhawaad 10 kun oo arday.

Waxaa la qiimeeyay geeddi-socodkii itaxaanaadka Deegaanka ee maalmihii ugu danbeeyay ka socday jaamacadaha oo ay itixaanka ku galeen 9870 arday oo bartay qaybta cilmiga bulshada (Social Science) kuwaasi oo kukala qaatay jaamacadaha Jigjiga, Qabridahar, Diridhabe iyo Hawasa.

Kusimaha Madaxweynaha DDS ahna Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha Dr. Xuseen Xaashi Qaasim oo kulan la yeeshay masuuliyiinta Xafiiska Waxbarashada DDS, Jaamacadda Jigjiga, saraakiisha booliska fadaraalka iyo qeybo ardayda ka mid ah ayaa waxaa lagu qiimeeyay geeddi-socodkii guud ee itaxaanaadka oo la sheegay in si wanaagsan ay kusoo idlaadeen.

Ugu dambayn ardayda dhigata maadooyinka Natural science ayuu bisha Diqimti 8-deeda u bilaabmi doona itixaanaadkooda.

W:Q'Eidan Tech

Want your business to be the top-listed Business in Adama?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Adama
1000