BAXSI MEDIA

BAXSI MEDIA

Share

personal page

Photos from BAXSI MEDIA's post 12/04/2025

Waa sababta Nabiga SCW nooga reebay in dhirta la jarro.

Geedahu waxa naxariis Ilaahay dhulka ku daadiyay, hoos ay ku nastaan dadka iyo duunyadu, cunno aan cunno, qaar aan hooy ka dhigano, markaan xanuunsanana aan isku daawayno. Sida aad sawirka ka aragto, hal geed ayaa noqday hoy xoolo badan ay ka galeen kulaylka jira, waxaad qiyaastaa xaalada ay xoolahaasi ku sugnaan lahaayeen hadii 3-daas geed aysan heli lahayn?

Dhirta waa nolol, Waa hoos, waa gabaad,waa badbaado. Soomaaliyeey ka fogaada jarista dhirta. Jarista dhirta waxay horseedaa nabaad-guur, abaar, iyo degaan qallalan. Geeduhu waa difaac dabiici ah oo ilaalinaya ciidda, qaboojiya hawada, una sahla roob, Marka la jarana waa laga dhaxlaa abaar joogto ah iyo nolol adag.

Aragtidaada?

Sidee ku badbaadin karnaa nabaad - guurka dhirta?

Baxsi media

Want your business to be the top-listed Media Company in Addis Ababa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address


Addis Ababa