Jupiter Insight
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Jupiter Insight, Media/News Company, Addis Ababa.
10/04/2020
DOORKA HOGAAMINTU KULEEDAHAY MIDNIMADA & AAYAHA UMADA.
Markaan leenahay hogaamin K**a wadnoo oo kaliya hogaaminta siyaasada ee waa waadarta hogaaminta qaybaheeda kala duwan ee: kuwa siyaasada, kuwa diinta & kuwa dhaqanka, Sida kalena waxaan wada qirsanahay in midnimada mujtamaca door lixaad leh ka qaataan bulshada qaybaheda kale ee sida ururada dhalinyarada, ururada hooyoyinka & waliba daladaha aqoonyahamiinta, waxaadna nuxur ahaan u fahmi kartaa in midnimadu cid kaste door keeda ka ciyaarto cid gooni ahna si gaara u suurta galin karin balse lakiin hogaamintu doorka oogu wayn kuleedahay sababtoo ah waxaan ognahay in mujtamacu inta badan raacaan hababka & jahooyinka ay hogaamintu jeexdo.
Doorka ay hogaaminta wanaagsani uleedahay dalkooda & dadkooda iyagoo ku hagaya hormarka, nabadgalyada & midnimada ayaa waxaan si cad u dhihi karaa in hogaamintu abuurto: rajo & ididiilo noolaleed, hiigsi siyaasadeed oo midaynaya aragtida guud ee bulshada, cadaalad samaynta & adkaynta nabadgalyada, tirtirida musuq-maasuqa iyo kor u qaadida dhaqaalaha & shaqo abuurka dhalinyarada.
Waxaana marag madoon aan layska indhasaabi karin ah in hogaamintu door weyn kuleedahay midaynta umad kaste ama mujtamaca ay hogaanka u hayaan,sido kalena waxaan ognahay in hogaaminta majaraha u haysa bulsho kaste oo meel kuwada dhaqan ay u horseedi karaan laba wado mid uun; in umadaasi noqoto umad midaysan,hormar iyo guulo waawayna ka gaadha nolasha bini aadamka heerar keeda kala gadisan, iyo in umadaasi noqoto mid kala qoqoban, dhax-doodana kajirto nacayb fara badan oo midba midka kale dabka ka qaadan karin, sido kalena umadaasi noqoto kuwa ka quusta hiigsigii nolasha.
Waxaan wada ogsoonahay in umad kaste oo rabta inay gaarto midnimo, wanaag & hormar waxaa lama huraan ah inay hesho hogaamin sax ah oo leh tilmaamahii hogaamiye-nimo ee umada loogu horseedi lahaa wanaaga & midnimada hadii kalese umadi way gablamaysaa ama agoomoobaysaa waxaana ka dhumaya jidkay qaadi lahayd, waxayna daba martaa dhinacay kugaadhi lahayd guusha, waxaana dhacda inay iyadii is cunto, iska hortimaado, isdisho kadibna ay dhumiso jiritaamkeedii, sumcadeedii & qaranima-deedii intaba.
Hadaad maqasho umadaha la isticmaarsaday ama laqabsaday waa dad waayay hogaan u jeexa jidkay ku gaari lahaayeen guul,hormar,haybad & awood lagaga cabsado,si uuna cadaawuhu u damcin inuu qabsado,bililiqaysto,dhalangadiyo kadibna isagu maareeyo mustaqbalkooda.waxaad halkaasi kafahmi kartaa in hogaamiyuhu hormuud u yahay midnimada & jiritaanka umad kaste oo heer gaadhay ama aayahooda katashaday.
Hadaba si loo mideeyo shacabka deegaanka waa in la helo hogaaminta siyaasada, hogaaminta dhaqanka, hogaaminta diinta oo leh aragti midaysan si iskaashi ahna u hogaamiyaan umada islamarahaantana si qoda dheer oogu kuur galaan caqabadaha soo jireenka ah ee u bahaan in xal waara laga gaadho iyagoo muhiimada koobaad siinaya midnimada mujtamaca kala gadisan ee kudhaqan deegaanka islamarkaana u horqaadaan umada: khayrka,guusha ,hormarka & same katalinta si cusubna loo abuuro bulsho maskax caafimaad qabta oo kamadax banan qabyaalada,eexda & isir-nacaybka aan sal & raad toona kusalaysnayn.
Midnimadu Waa Furaha 🔑 Guusheena 💪
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Addis Ababa