Gungaadh Media GGM
Bogan waxaad kaga bogan kartaa Wararka Cusub iyo Sooyaalkii umada Somaaliyed Guud ahaanteedba
Degmooyinka iyo Gobolada ay ansixiyeen Baarlamaanka deeganka ma is leedahay waa kuwo lagusoo xulay sifo ku salaysan xaqiiqda
16/01/2023
Magaalada Addis Ababa.
Waxaa jira guud ahaan wadanka itoobiya isbadal la filayo inuu ka dhaco dhawaan isbadalkaas oo ku astaysan heshiiskii dhawaan lala galay Deeganka Tigray ee dagaalku ka socday.
Hadaba muxuu yahay isbadalka la filayo
1- in la dhiso dawlad cusub oo ay kasoo dhex muuqan doonan madaxda deeganka tigray ee saami qaybsiga xukuumada hada jirta aan qayb ka ahayn
2- in dhamaan dadkii gulufka dagaalka tigray lagu qaaday qaybta ka ahaa ee hada kamidka ah xukuumada hada jirtay ama federal ha ahaato ama deeganada ha ahaadane Laga badalo boosaska ay ku qoranyihiin si xanaftii ay qaybta ka ahaayen loo booga dhayo
- waxaana kuwaas ka mid ah Madaxwayna yaasha deeganada ee cidanka deegankooda udiray dagaalku markuu socday iyo kuwa media la hadlay ee ku warbixinayay waa in la tirtiro TPLF iyo shacabka tigray IWM.
Hadaba waxaa magaalada Addis Ababa ka bilowday shirar goos goos ah iyo kuwo horu dhac ah oo ku astaysan soo dhawaynta isbadalka cusub ee la filayo in uu ka dhoco guud ahaan dalka
Dhalinyaro iyo muwaadiniin udhashay deeganka soomalida ayaa Qayb ka ah soo dhawaynta isbadalka cusub iyo xukuumada dhawaan la filayo in la dhiso.
waxaana kamida madax h**e oo deeganka kasoo arimisay waxaana kamida Ugaas Abdi Adar
Kooxda ka arimisa deeganka soomlida ayaa waxaa soo wajahay jahawareer siyaasadeed, kooxdan oo ah koox Ganacsato ku ganacsata Lacagtii deeganka bulshada ku dhaqan lagu horumarin lahaa ee adeegyada aas aasiga ah loogu samayn lahaa.
Kala soco wixii kasoo cusboonada arimaha isbadalka
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the public figure
Telephone
Website
Address
Addis Ababa