Gallaadi Tv
media news company
17/03/2026
Majiro hal mashruuc oo Abdullahi dhagahoor iyo ina Beercad Gallaadi ka fuliyeen iskadaa mashruuc ay Gallaadi ka fuliyaane degmada ayay uga dareen.
Labadan shaqsi waxay soo kordhiyeen in dakhliga degmada ay jeebkooda ku shubtaan.
Bal aan dhawrno waayaha.!!
Goldogob:
Islaan Cawil Islaan Xasan ayaa maanta soo dhaweyn sharaf iyo maamuus leh loogu sameeyay magaalada Goldogob, isaga oo ka mid ah isimada dhaqanka ee lagu casuumay ka qayb galka munaasabadda taariikhiga ah ee caana-shubka Ugaaska Guud ee beesha Tanade Daarood (Laylkase).
07/02/2026
Baraarug-bulsho 1.
Gudoomiyaha gobolka Doollo oo loo yaqaan (Waalid-caasiga) ayaa qorsheenaya inuu asbuuca dambe tago Gallaadi si isu diwaangaliyo murashax xildhibaan, isagoo waliba aan ognahay dhibta iyo kala sooca uu u geystay beellaha degmadaas haba ugu darnaatee beesha sharafta leh ee reer Xaamud.
Maka yeeli doonaan reer Xaamud inuu cod weydiisto isagoo ka hor istaagay si qabiileysan inay Ceel ka qotaan Qararacade iyadoo abaar adag jirto?
Maka yeeli doonaan reer Xaamud isagoo kala dagaalamay saamigoodii siyaasiga ah oo ay ku lahaayeen Gallaadi iyo Wardheer oo uu ku badashay jifadiisa hoose?
Maka yeeli doonaan reer Xaamud inuu la dagaallamay dhalinyaradoodii waxbaratay oo uu kala dagaallamay furasadihii shaqooyinka degmooyinka Wardheer iyo Gallaadi badalka uu jifadiisa hoose geystay G/wadeenka Dakhliga Gallaadi, labadii Amakaari ee Gallaadi, Af-hayeenka Wardheer badalka uu jifadiisa hoose ku qortay?
La soco iyagana beellaha kale ee Gallaadi iyo (Waalid-caasiga).
Xigasho:.Doollo Onlinee.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Street 12
Addis Ababa