Somali Region Current Issues Fact Check
Kani waa Bogga Xaqiijinta Sugnaanta Xogta ee DDS
23/10/2025
BAYAAMIN XOGEED!!
Jaamacada Jigjiga ayaa bulshada deegaanka iyo bahwadaagteeda u xaqiijinaysaa in xogaha ku aadan ardayda lagu xareynayo Jaamacadda ee dasalka 8-aad aay ka fog yihiin xaqiiqada oo aay abuur yihiin.
Fariinta Jaamacadda ayaana udhignayd sidan hoose:
Jigjiga waxay si cad u wargelinaysaa bulshada, ardayda, waalidiinta iyo daneeyayaasha kale in wararka lagu faafiyey baraha bulshada ee sheegaya in Jaamacadda Jigjiga heerkeeda waxbarasho hoos loo dhigayo ay yihiin warar aan sal iyo raad toona lahayn.
Jaamacadda Jigjiga waxaa dhidibbada loo taagay bishii Maarso 2007, iyadoo ku dhisan Xeerka Waxbarashada Sare ee Federaalka, Xeer Lr. 650/2009, kaas oo nidaamiya jaamacadaha dawladda ee dalka. Tan iyo aasaaskeedii, Jaamacaddu waxay qaranka u soo saartay in ka badan 50,000 qalin-jabiye oo ka hawlgala daafaha dalka iyo dibaddiisaba. Hadda, Jaamacaddu waxay hoy u tahay 7,213 arday oo dhigta heerka koobaad ee jaamacadeed (regular undergraduate), 405 arday oo heerka sare ah (regular postgraduate), iyo ku dhowaad 9,000 arday oo barta barnaamijyada looxjiidka ah (extension programs); ardaydaas oo wax ka kala barata 61da waaxood ee undergraduate ka iyo 50 ka waaxood ee postgraduate ka. Intaas waxaa dheer oo sidoo kale ay jamaacaddu sannadkan dalbatay inay qayb ka noqdaan ardayda jaamacadda in ka badan 1000 arday oo heerka sare ah iyo caddad gaadhaya 2000 oo heerka koobaad ah. Waxaa xusid mudan oo aan intan ku jirin ardayda dugsiyada ee kabista loo sameeyo.
Intaa kaddib, sida la wada ogsoon yahay waxay wasaaradda waxbarashada qaranku dhismaha xarumo hoy ka billawday dhammaan deegaannada dalka. hase ahaate hawlo dhisme oo ka socda qaybo ka mid ah xarumahaas oo ay ku jirto tan magaalada Jigjiga oo horraan loo dhagax dhigay, waxay wasaaraddu ka dalbatay 4 jaamacadood oo kala ah Jigjiga, Gambela, Uda Bultum iyo Wachemo inay martigaliyaan ardayda loogu talagalay inay qayb ka ahaadan dugsiyadan hoyga ah ee wasaaradda, sidaasna ay jamaacaddu ku marti galin doonto ardaydaas, hadii la isla qaato, muddada uu dhammaanayo dhismuhu.
Iyadoo la tix raacayo xeerka xoggaha been abuurka ah ee 1185/2020 iyo xeerka warbaahinta ee 1238/2021 ee qaranka, waxaan xasuusinayna dhammaan cidda ku hawlan faafinta wararka been abuurka ah iyo xogaha aan jirin in hay’adaha amniga dalka, deegaanka, iyo jaamacadduba ay si dhaw ula socdaan, tallaabooyin ku habboonna qaadi doono.
08/08/2025
IFTIIMINTA XOG BEEN ABUUR AH OO KU SAABSAN KHUDBADII JIMCAHA MASAAJIIDA MAGAALDA JIGJIGA: : Hogaanka Nabadgalyada DDS Mudane Canduqadir Rashiid Ducaale "Beeni raad maleh, waxaana magansada shakhsi ka aradan hal abuurka iyo xigmada lagu kasbado quluubta shacabka.
Xogta baraha bulshada lagu faafiyay ee tibaaxaysa in xukuumadu amartay in qudbada jumcaha la joojiyo waa mid ka fog xaqiiqda, waa been lid ku ah akhlaaqda iyo milgaha shacabkeena somaaliyeed.
Xukuumada maanta talada haysa iyo xisbiga barwaaqo waa kuwii soo celiyay in kor loo qaado quwaynta diinta islaamka, culumo badan xabsiyada kasoo daayay, masaajida u fasaxay in laga akhriyo kutubtii h**e looga mamnuucay.
Waxkasta oo ku saabsan hab maamulka masaajidada waxaa iskaleh golaha islaamka oo u aas-aasan. Dastuurkeenu wuxuu jideeyay inay kala madax banaan yihiin diinta iyo dawladu".
10/11/2024
WARGALIN-
Sida warqada lifaaqa hoose ka muuqata waxaa baraha bulshada la dhaxwadaa warqad lagu sheegay in ay xafiiska Madaxwaynaha DDS ka soo baxday, taaso ka hadlaysa arrimo la xidhiidha Moyaale iyo Diri dhaba.
Hadaba waxaan ogaysiinayna in ay warqadani hoos ku lifaaqan ay tahy been abuur an sal iyo raad lahayn, oo ay soo alifeen kooxo dana gaar ah wata.
Sidaas sarteed waxaan bulshada ku wargalinayna uga na digaynaa in ay ka feejignaadan xogaha been abuurka ah, ee kooxaha danaha gaarka ah lihi ay shacabka ku marin habaabinayaan.
Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Somalida
Jigjiga.
30/04/2023
Xaqiijinta Xogta guud iyo xaalada magaalada Qabridahare iyo qaabka ay wax u dhaceen maanta.
Waxaa jirtay manta niskii h**e in ciidanka militariga FDRE ay magaalada dhexmarayeen kuna wajahnaa dhankaas iyo magaalada godey iyagoo nooc dhawaaq ku jira ay magaalada u dhaxmarayeen islamarkaana dhalinyaro magaalada dhaxtaagan ay dhawooqoodii ka jawaab celiyeen kadibna ciidanku si anshaxaha ka baxsan ay dhalinyartii ugu jawaab celiyaan iyagoo adeegsaday xabad iyo jidh-dil taasoo sababtay 2 xabad ku dhaawacmay iyo 10 Jidh-dil ah xaalada ay ku jiraana ay wanaagsantahay ilaa iyo hadda.
Intaas kadib,Waxaa dhacday in bulshadii ay ka gadooday falkii dhacay islamarkaana dad badan oo ku dhexjiray bulshada qaybaheeda kala duwan ay isku dayeen inay ka faaideystaan falka dhacay ogana faaideystaan inay abuuran qalalaaso iyo falal amni darro ku keenaya magaalada iskuna dayeen inay weeraraan xarumaha bixiya adeega bulshada magaalada. sidaa darteed shacabka qaybihiisa kala duwan waxaa looga digiyaa inay iska ilaaliyaan falalkaa abuuraya amnidarada.
Dhanka kale, kulan u la yeeshay maamulku sarakiisha Ciidanka Qaranka ayaa lagaga wadahadlay dhacdii manta waxayna ciidanku xuseen in qaabka ay manta wax u dhaceen ay ka xun yihiin islamarkaana xubnihii gaystay falkii foosha xumaa la horkeeni doono haayadaha sharciga. Waxay kaloo codsadeen si arrintii dhacday inay ka xun yihiin ay u muujiyaan inay u baahan yihiin inay shacabka qaybihiisa kala duwan la kulmaan.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Jijiga