Birre Films
Birre Films waa madadaaliyaha Bulshada Iyo Saaxiibka Bulshada Fadlan ku xidhnow Barta Birre films
“Wax ka ogow Taariikhda Dheer Ee Halyeeyad Saado Cali Warsame (Saado Astaan Qaran)”
“Alle Hakuunaxariisto Saado Astaan Qaran”
14/03/2026
Waxaa murugo iyo caro leh in mar kale uu isu soo taago doorasho Faisal Rashiid, xildhibaan sheegta inuu matalo shacabka Bariga Danood ee Dowlad Deegaanka Soomaalida. Mudadii uu xilka hayay, shacabka uu matalo wax muuqda oo uu u qabtay ma jirto. Dadku waxay la tacaalayaan dhibaatooyin badan: adeegyo la’aan, horumar la’aan, iyo codkoodii oo aan cidna u hadlin.
Xildhibaan waa qof loo doorto inuu u adeego dadka, u doodo xuquuqdooda, kana shaqeeyo horumarka deegaanka. Laakiin marka xildhibaan uu xilka u isticmaalo magac iyo kursi keliya, isagoo aan waxba u qaban dadka uu matalo, waa in shacabka ay si cad uga hadlaan arrintaas.
Shacabka Bariga Danood ma aha kuwo la iska indha tiri karo. Waxay mudan yihiin hoggaan daacad ah, masuuliyad leh, kana shaqeeya danahooda dhabta ah. Maanta waa waqtigii la is weydiin lahaa: maxaa la qabtay intii uu xilka hayay? Haddii jawaabtu tahay waxba, sidee markale loogu aamini karaa kursigaas?
Doorashadu waa awoodda shacabka. Waa fursad lagu xisaabtamo laguna doorto qof si dhab ah ugu shaqaynaya dadka. Shacabka Bariga Danood waa inay si miyir leh u qiimeeyaan cidda matali karta mustaqbalkooda, oo aysan mar kale ku khaldin ballanqaadyo madhan.
Hoggaanka wanaagsan wuxuu ku yimaadaa daacadnimo iyo shaqo muuqata – ma aha magac iyo hadal keliya.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Website
Address
Dublin