Goolasha Sports
The official Goolasha Sport page,featuring our latest videos,debate & statistics and other.
12/06/2026
Codsigiisii fiisaha ay diidday dowladda Canada.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ghana, Thomas Partey, ayaa seegi doona kulanka ugu horreeya ee dalkiisa ee Koobka Adduunka kaas oo ka dhici doona Toronto oo ay wajihi doonaan Panama, kadib markii loo diiday inuu galo Canada.
Partey oo 32 jir ah ayaa beeniyay toddobo dacwadood oo kufsi ah iyo hal dacwad oo faraxumayn galmo ah, kuwaas oo la xiriira eedeymo ay soo jeediyeen afar haween ah oo kala duwan intii u dhaxaysay sannadihii 2020 ilaa 2022.
Waxaa la filayaa in maxkamaddiisu bilaabato sannadka dambe.
Bayaan ay soo saartay FIFA ayaa lagu sheegay in ciyaaryahankii h**e ee Arsenal, oo hadda u ciyaara kooxda Villarreal ee Spain, uusan ka safri karin xerada tababarka Ghana ee magaalada Boston, kadib markii “codsigiisii fiisaha ay diidday dowladda Canada.”
Hay’adda kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa sidoo kale sheegtay:
“FIFA kuma lug laha habraacyada socdaalka ee dalalka martigeliya tartamada, oo ay ku jirto go’aaminta codsiyada fiisaha.
“Dowladda dalka martigelinaya ayaa ugu dambayn go’aamisa cidda la siinayo fiisaha iyo cidda loo oggolaanayo inay dalka gasho.”
Shuruucda ku qoran bogga dowladda Canada ee ku saabsan booqashada dalkaas ayaa sheegaya:
“Haddii aad dembi gashay ama lagugu xukumay dembi, waxaa suurtogal ah inaan lagu oggolaan inaad gasho Canada.”
Inkastoo Partey uu diiday dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay, haddana wali wuxuu sugayaa maxkamad, mana jiro wax xukun ah oo lagu helay.
Ghana ayaa la filayaa inay England la ciyaarto kulankooda labaad ee Group L, kaas oo ka dhici doona Boston Stadium ee Foxborough 23-ka Juun (9:00 fiidnimo waqtiga BST), ka hor inta aysan Croatia la ciyaarin 27-ka Juun magaalada Philadelphia (10:00 fiidnimo BST). Labadan kulanba Partey wali wuu ka qayb geli karaa haddii loo oggolaado.
11/06/2026
El Mama Africa.
Ma aha Sanad u wanaagsan South African afrikadii kale dhammaan way ka soo hor jeedaan caawa.
Omar Waa garsooraha Ugu Fiican Africa mana….
Kuma yaqaanaan , sido kale Nama yaqaanaan !
09/06/2026
War cusub: Raiisul wasaaraha gobolka British Colombia oo kamid ah gobollada ugu waaweyn dalka Canada ayaa sheegay in uu State kiisa kusoo dhoweynayo Cumar Cartan, wuxuu yiri haloo oggolaado in uu qabto kulammada Koobka Adduunka ee ka dhacaya gobolkiisa gaar ahaan magaalada Vancouver.
Gobolka uu Ninkani xukumo waa meelaha loo asteeyey in Kulammada Koobka Adduunku ka dhacaan.
09/06/2026
Hillary Clinton — Haweeneyda ugu caansan siyaasadda dunda ahna musharrixii la tartantay Donald Trump doorashadii h**e oo garab-istaagtey Garsoore Cumar Cartan.
09/06/2026
Dunida oo Dhan iyo Artan (World Scope) 🚨
Saaxafada Caalamka oo idil ayaa Hadal haysa Omar Artan
Wargays kasta ama Majalad wax qorta ee aan Cinwaanka koowaad kusoo qorin Sheekada Artan majirto Maanta
Bulshada Dunida Waxay hadal haysaa Omar
Warbixinta Omar Waxay Gaartay Albaab kasta iyo Qof kasta waxaana aqrista ayaa la leeyahay dad kabadan 200M (laboBoqol )oo Milyan
(World Scope)🤝🤝🤝
09/06/2026
Garsoorka ugu h**eeyay Africa ee ciyaar lagu qoray
Mahamud Canshuur ( Mahmoud Ashour) oo Egypt udhashay ayaa dhexdhexaadin doona
Republic Korea Vs Czeck republic
09/06/2026
Finally Omar Artan Breaking Silence 🚨
Absolutely si niyad dhisan ayuu uhadlay wuxuuna sheegay in sii wadi doono Dadaalkiisa hormarineed
Wuxuu umahadceliyay FIFA iyo CAF Madaama u xusheen Dhacdada Aduunka
Welcome back to Home bro
09/06/2026
Sida ay qortay Al Jazeera English iyadoo xiganeysa U.S. Department of Homeland Security (DHS) Omar Artan waxaa gelitaanka Mareykanka loogu diiday sababo lagu sheegay "vetting concerns", oo ah walaac ka dhashay baaritaanka amni iyo xaqiijinta xogta qofka.
Eraygani macnihiisu ma aha in qofka lagu helay dembi ama khalad la xaqiijiyay, balse wuxuu tilmaami karaa xog amni oo u baahan hubin dheeraad ah, sida magac la mid ah yacni (qof kale oo horay liiska hay'adaha amniga ugu jiray), xog sirdoon oo aan la shaacin, ama arrimo kale oo socdaal iyo sharci la xiriira.
DHS ma aysan faahfaahin sababta gaarka ah ee keentay go'aankaas. Waxa keliya ee si rasmi ah loo sheegay waa in saraakiisha xuduudaha ay go'aamiyeen in Omar aan loo oggolaan karin gelitaanka dalka (inadmissible) kadib baaritaankii gelitaanka gudaha.
Dhanka kale waxaa xusid mudan, in haysashada fiisaha Mareykanka aysan damaanad qaadi karin gelitaanka gudaha maadaama go'aanka ugu dambeeya ay leeyihiin saraakiisha xuduudaha.
World Cup kii ugu xumaa ebed !
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Dublin
D01XE10