Xogsidaha - Sheikh Media
Your place for fast, easy, and informative answers to your app-related Questions. In addition, we
03/07/2026
Caawa iyo Rugta kutubta Degmada sheekh
Dhalinyaro waa inoo muhiim dhammanten
02/07/2026
Ictiraafka Somaliland waa arrin qaran, umana baahna in la siyaasadeeyo ama lama muujiyo qaybsanaan ka farxin karta cadowga Somaliland.
Qudusta Galbeed ee dhamaan dalalka carabtu u aqoonsanyihiin Israel, dhibi Kuma jirto haddii ay aynu Safaarad ka furanay.
Waxa aan ugu baaqayaa dhamaan Shacabka Somaliland in la tageero ictiraafka 35 sano aynu sugaynay, Wadankii ugu h**eeyayna ina ictiraafay.
Xil.Maxamed Jama Liibaan
G ku xigeen Xisbiga KAAH
02/07/2026
Aniga oo ah Xildhibaan Maxamed Ibrahim Ismail (Dable) Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa geerida naxdinta leh ee ku timi Marxuumad Yurub Axmed Ibraahim
(Yurub Saynle) oo xalay ku geeriyootay magaalo madaxda dalka Ethiopia ee Addis ababa laguna aasi doono magaalada Hargeisa caawa fiidka insha allaa.
Tacsi taa la mid ah waxan u dirayaa dhammaan ehelkeedii, qaraabadeedii, asxaabteedii iyo guud ahaan bulshada reer Somaliland ee ay marxuumaddu ka baxday. Waxaanan Alle SWT uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qabrigana u waasiciyo, Jannatul Firdowsana geeyo.
Sidoo kale, waxaan Eebbe uga baryayaa qoyskii, qaraabadii, eheladii iyo dhammaan qoyskii ay ka geeriyootay inuu ka siiyo samir iyo iimaan, murugada geerideedana ugu beddelo ajar iyo xasanaad.
AAMIIN YAA RABI.
02/07/2026
Hambalyo iyo Duco
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda Jamhuuriyadda Somaliland ee soo dhammaystay imtixaannadii shahaadiga ahaa ee dugsiyada dhexe iyo sare.
Hambalyo gaar ah waxaan u dirayaa ardayda Degmada Sheekh. Waxaad muujiseen dadaal, dulqaad iyo karti mudan in lagu daydo. Maanta waxaad dhammaateen marxalad muhiim ah oo ka mid ah safarkiinna waxbarasho, waxaana la joogaa waqtigii la sugayey midhaha dadaalkiinna.
Waxaan Eebbe idiinka baryayaa inuu idiin waafajiyo natiijooyin wanaagsan oo qalbiyadiinna farxad geliya, aqoontiinnana uga dhigo mid anfaca diintiinna, dalkiinna iyo dadkiinnaba. Ilaahay ha idiin furo albaabbada guusha iyo horumarka, hana idinka dhigo jiil aqoon, akhlaaq iyo waddaniyad ku suntan.
Mahad iyo bogaadin waxay sidoo kale u sugnaatay waalidiinta, macallimiinta iyo dhammaan cid kasta oo garab istaagtay ardayda intii ay ku jireen diyaarinta imtixaannada.
Guushu waa mid uu Alle bixiyo, dadaalkuna waa jidka lagu gaadho.
Axmed Cabdiraxman Bulaale.
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Dable waxa uu kamida yahay shaqsiyadii dorka fiican ka soo ciyaaray isbadalkii ka dhacay Somliland waxaan xusudi mudan in uu qayiib weyn ka soo qaatay dhisitanka madaxaweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro
Ugu danbayiin dadaal dheere kadib isga iyo raga kale ku kulmeen Shirwaynaha Golaha dhexe ee xisbiga oo ka dhacay Caasimad Somaliland Ee Hargaysa.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Berbera