Muhammad Garaad
“Erey ka wayn “waad mahadsan tihiin” oo abaalkiina wax ka gudi kara, garan maayo’e Guulaysta”💙🌸💚
14/09/2025
Gabadha geerida ninkeeda dabadeed guursataa ma aha gabadh bilaa oofin ah, ninka geerida gabadhiisa ka dib guursadaana ma aha nin raaxaysi iyo dumar uun raadinaya!
Sunnaha nolosha aya sidaas ah, dadkii inaga horreeyayna sidaas ayay u dhaqmayeen kuwa inaga danbeeyaana ay u dhaqmi doonaan, xalaashana wax ceeb ahi kuma Jiraan, sharciguna ma sharciyeeyo wax laga khajilo ee dadka ayuun baa dadka nolosha ku cidhiidhya!
Gabadha doonaysa in ay xasuusta ninkeeda la noolaataa waa hawl iyada u taalla, ta guursanaysaana sidoo kale, cid ehelkeeda ah iyo cid ehelka ninkeeda ah midina xaq uma laha in ay dookheeda iska hor taagaan iyaga oo ugu andacoonaya in aanay oofin u yeelanin ninkeedii dhintay!
Wax kasta oo gabadha laga sheegayo ninkana waa lag sheegayaa.
Waxa aynnu nahay aadame laf iyo cad ka samaysan, qof kastaana waxa uu leeyahay baahiyo jidh ahaaneed iyo kuwo ruux ahaaneed oo in la haqabtiro u baahan si ay noloshu ugu hagaagto, ee ha ka yeelina cidina in ay ciida idinku rogto idinka oo nool.
Waxaan odhan karaa sooyaalka aadamaha oo dhan sida uu suubbanuhu khadiija u jeclaaday weligeed nin gabadh uma aanu jeclaanin, lkn markii ay dhanka Rabbigeed aaday inta uu dhaawaciisii dhayday ayuu fursad labaad isa siiyay si uu wax u jeclaado, isagana loo jeclaado.
Wllhy raadkii waayitaankeedu wuu ka muuqanayay oo cid kasta oo taqaanaaba way ka arkaysay!
Sidaas oo kale aqbal khasaarahaaga, dhaawacaagana dhayo, naftaadana sii fursad labaad waad mudan tahaye.
Ha ku dhex noolaan xayndaabka dhaawacaaga, murugadaadana maxbuus ha u noqon.
Markii aan is khilaafnay 11 bilood ka dib ayaan messengerka uga diray 'i cafi waan kugu khaldamay'.
Markii uu soo jawaabi waayay ayaan raadiyay waxaan ogaaday in uu 4 bilood ka hor geeriyooday.
Uma uu qalmayn in aan sidaa ku kala dhimanno, uma uu qalmayn in aan geeridiisa iyo xanuunkiisa ogaan waayo.
Farriintaas aan diray waxay igu noqotay farriintii ugu xanuunka badnayd.
In badan ayuu noolaa oo uu diyaar u ahaa in aan garnaqsanno. Dembigaas aan galay waxaa ciqaab la iiga dhigay in aan weligay xasuusta xanuunkeeda qalbiga ku sito.
Ilaahayoow ciqaabta waan maray ee isaga u naxariiso, dembigiisana dhaaf.
Maariya cismaan
29/08/2023
Waxa aad i weydiinaysaa sida aan u dareemo farxadda?
Aniguna waxan ku leeyahay,
Farxaddu waxa ay ku jirtaa waxbixinta saaxiib.
Waxa ay ku jirtaa qof niyad jabsan oo aad niyadda u dhisto, ka dibna aad dareento, in niyaddaas la dhisay ayba taada tahay!
Waxa ay ku jirtaa dhaban murugaysan oo illin ka qubanaysay aad ka masaxday, ka dibna aad dareento in qofka ilmada laga masaxayaa uu adiga yahay!
Waxa ay ku jirtaa sadaqo aad qof faqiir ah gacanta u gelisay, ka dibna aad dareento in aad tahay qofka lacagtaas qaatay ee aadan ahayn ka bixiyay!
Waxa ay ku jirtaa miskiin Isaga oo taag daran oo xaalad aanu waxba iska dhicin karaynin ku jira aad u hiilisay, ka dibna aad dareentay in guushiisu ay tahay guushaada!
Waxa ay ku jirtaa in aad dad isku dhacsan heshiisiiso, ka dibna aad dareento naftaada oo aad muddo kala maqnaydeen in aad dib isugu soo laabateen!
Farxaddu waxa ay ku jirtaa gacanta illahay saaxiib, ee meel illahay ka durugsan ha ka raadin!
Dhaaxay raalligelintu soo ahayd astaanta ilbaxnimada iyo maan-furnaanta, balse dhacdo kastaba kuma habboona raalligelinta iyo cudurdaarashada!
Cidurdaarashada iyo raalligelintu waxa ay macne sameeyaan, marka aad lugtayda qasdi la'aan ugu joogsato, ee macne ma sameeyaan marka aad qalbigayga ku joogsato!
Ama marka aad iga jabiso qalin ama koob aan jecelahay, ee ma aha marka aad niyaddayda jebiso!
Ama marka aad iga jeexdo jaldiga buug igu qaali ah oo aan ku ammaanaysiiyay, ee ma aha marka aad dhaawacdo karaamadayda aan kugu aaminay!
Saaxiib; waxa jira kefaf aanay waxba ka tarin weedha ah " waan ka xumahay!"
Waxa jira gefaf aan la cafiyi karin, sida in aad isku taagto halka i xanuunaysa, adiga oo og in xanuunka ay xanuun ka badan iigu sii darayso!
Ama in aan kuu sheego sir xataa aan naftayda in aan ka qariyo ku dhowaa, oo aan ku arko adigii oo igula dagaallamayaba!
Amaba in aan kuu dhigo halka ugu qotada dheer qalbigayga, oo aan ku arko adiga oo fasahaadin la dhex jooga!
Saaxiib; dhacdooyinka qaar lama hagaajin karo, biyahana ma dhacdo aalaba in halkii ay ka soo burqadeen ay ku laabtaan, haddii ay ku laabtaanna waxa ay noqonayaan biyo wasakhaysan, qofna ma doonayo biyo wasakh ah xataa haddii uu harraad u dhimanayo, ee ha ii cudur daaran, iyada oo mindidaada uu dhiiggaygii ka da'ayo!
I rumayso; in aad aamusnaan igu dhaafto ayaa aniga iyo adigaba i noo habboon!
Waxba ha ii cudur daaran, adiga oo qalbigayga ka qoday god aanay buuxinayn dhammaan erayadaadaas aad iigu niyad-dhisayso ee aan macnaha ii samaynayni!
Saaxiib; ha ii soo laaban mar haddii adiga oo gacanta igu haysta aad iga tagtay!
Nabaadiino saaxiib.
Naftaydi qaaliga ahaydeey:
Haddii aanay cidi h**e kuugu sheegin, aan kuu sheego hadda e: “ waan ku jeclahay “.
Waan jeclahay sida aad u dhoollacaddayso dhoollacaddayn daacad ah.
Waan jeclahay qaabka aad u daryeesho dadka aad jeceshahay; ee aad waqtiga ugu hesho si kasta oo aad mashquul u tahay.
Waan jeclahay qaabka aad u aaminto in wax wanaagsani ay dhici doonaan xitaa iyada oo u muuqata in aanay suurtagal ahayn.
Waan jeclahay qaabka aad u aaminsan tahay dadka iyo in markasta gudahooda uu wanaag ku duugan yahay.
Waan jeclahay qaabka aad u dhegaysato dadka marka ay kaaga sheekaynayaan qisooyinkooda.
Waan jeclahay sida aanad dadka u xukminin markiiba ee aad dhankooda wax uga eegto.
Waan jeclahay qaabka aad u eegto dadka indhahooda ee aad u ogaatid in ay wax badan ku qarinayaan qalbiyadooda; ugu qarinayaan caqabadahooda iyo xanuunadooda.
Waan jeclahay qaabka aad u aaminsan tahay nolosha iyo in ay jiraan waxyaabo badan oo weli u baahan in la daahfaydo.
Waan jeclahay sida aad u jeceshahay waxbarashada ee aad u xiisayso in aad marwalba wax cusub baratid, ka baratid nolosha iyo dadkaba.
Sidaada ayaan kugu jeclahay nafyahay, waayo sida aad og tahayba waxa aad tahay mid dadka kale ka duwan.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the public figure
Telephone
Address
Qasabka
Burco