Proff Ahmed-weli Cumar Cabaas
||QORAA||MUFEKER||SIYAASI||FALANQEEYE||
"Degelkan waxaan ku Cabiraa aragtidayda, Cidna kuma Metelo"
===>>Ahmed Omar Abass
17/03/2024
Galab wanaagsan, Ramadaan mubaarak.
Alle Acmaasha khayrka leh haynaga aqbalo aaamiin.
Qormadi 7aad
DADKA LOO BANEEYAY IN AY AFURAAN MAALINTA RAMADAAN.
Diinteena islaamku waa mid ku dhisan dhibirsanaan iyo sahlanaan, Axkaamteedana waxa lagala yimadaa intii la tahli karo. Waxaana loola yimadaa sidii la tahli karo. Waxa jira sababo ubanneeya qofka uu soonku ku waajibay inuu iska afuro markuu xaaladahan soosocda ku jiro.
1- Qofka xanuunsanaya, xanuunkaasi waa laba jaad
>Xanuun uu filayo inuu ka bugsan karo, wuu iska afuri, wuuna soo qalaynayaa inta uu xanuunsanayay.
>inuu qabo xanuun halisa oo aanu rajaynayn in uu ka bugsan karo, sida inuu qabo xanuunka macaanka oo meel halisa gaadhay, qofkani wuu iska afurayaa, maalin kasta oo ramadaan ka mid ahna qofbuu afurinayaa, ama wuxuu bixinayaa raashin udhigma 1.25kg.
2- Gabadha yeelata dhiiga caadada ama dhalmada, way afuraysaa dibna way kasoo qalayn.
3- in gabadhu uur yeelato ama ilmo naasnuujinayso, xaaladahan markay gabadhu ku jirto waxay soonta uga tegi kartaa laba arimood midkood.
> in ay ka baqdo in ay nafteeda dhibi soo gaadho.
> in ay ilmaheeda yar ee uurkeeda ku jira ama ay naas-nuujinayso uga baqdo in dhibi soo gaadho, way iska afuraysaa dib ayayna kasoo qalaynaysaa.
4- in uu yahay oday da'ah oo gaboobay oo aan awoodin soonta, wuu iska afurayaa, maalin kastana wuxuu quudinayaa miskiin.
5- in qofku musaafir yahay, safar xalaala oo aan macsi ahayn, xeeladaysi soon ka war-wareegana aanu ahayn, qofka safraya waxa ufiican in uu iska afuro dibna kasoo qaleeyo.
Alle Mahadleh
W/Q Proff Ahmed-weli Cumar Cabaas
15/03/2024
Galab wanaagsan, Ramadaan mubaarak.
Qormadii 5aad
SHURUUDAHA UU KU ANSAXAYO SOONKU.
▪ Niyada in qofku niyeysto in uu soomayo
▪ Daahirnimo in ruuxa haweenka ahi ka daahir yahay dhiiga caadada ama dhalmada
▪ in uu wax kala garanayo oo ilmaha yar k**a ansaxayso
▪ in uu wakhtigu yahay mid banaan in la soomo oo aanu ahayn wakhtiyada ay soontu xaraanta tahay sida Maalinta Ciida
SUNAYAASHA SOONKA
Sunayaasha soonka waxa ka mid ah
> in la dedijiyo Afurta
> in suxuurta dib loo dhigo
> in marka la afurayo afurka lagu bilaabo timirta
Rasuulka Salalaahu calayhi wasalam wuxuu yidhi " Dadka khayr k**a suulayaan inta ay dedejinayaan Afurka, ayna dib udhigayaan suxuurta".
> in la badiyo xuska Alle SWT
> in la badiyo aqrinta qur'aanka kariimka ah
> in la ducaysto xiliga suxuurta
Alle Mahad leh
W/Q Proff Ahmed-weli Cumar Cabaas
13/03/2024
Maalin Wanaagsan, Ramadaan Mubaarak.
Qormadi 3aad.
TIIRARKA SOONKA.
Soonka waxa uu leeyahay laba tiir oo kala ah :-
☆ Niyo oo ah qofku in uu niyaysto in uu soomayo.
☆ Iyo in qofku iska ilaaliyo dhamaan waxyaabaha afuriya sidda Cunida, Cabitaanka, Galmada, laga bilaabo qorax dhaca ilaa waaberiga.
Faa'ido Muhiim ah:-
Ma waajibaa inuu qofku niyaysto inuu soomayo habeen walba, mise waxa ku filan in uu bilowga ramadaan niyeysto inuu bisha wada soomayo ?
waxa fiican in habeen kasta sii niyeysto inuu berri soomayo, Xiliga uu soomayaana waa in uu ahaado waaberiga ka hor saacadna ha ahaatee.
Alle Mahad leh
W/Q Proff Ahmed-weli Cumar Cabaas
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the public figure
Telephone
Website
Address
Burco
BURCOTOGDHEERSOMALILAND