Doon-bir
Aqoon caafimaad iyo xogo kale oo muhiim ah
Old is gold❤️
23/03/2024
Gaastari/Laab-dillaac/ Laab- olol ka maxa igu keenay ? Maxanse iskaga daweeya?
Xanuunka gaastari aynu u naqaano ama laab-dillaac ayaa wuxu noqday xanuunka loogu cabashada badanayay siiba xilligan ramadaanta oo dhalin iyo waayeel ba laga cabanayo, hadaba xanuun kani muxu yahay ? Xanuunkan laab-ololka waxa keena xanuuno kala duwan oo u badan kuwa ku dhaca qaybta sare ee habdhiska dheef-shiid ka, laakin maanta waxaynu ka hadlyna xanuun ka ugu caansan kaaso in ku dhow 25% dadka adunka ee magaaloyinka ku nooli ka cabanayan magaciisana layidhaahdo gastroesophageal reflex disease(GERD),waa haddi aad isku aragto laab-olol ka laba jeer iyo kabadan wiigii.
GERD:- wuxu samaysma marka Aysiidha dabiiciga ah ee caloosha ku jirtaa ay dib uguso noqoto qaybta hoose ee hunguriga taaso katimid xidhaha/albab ka hoose ee hunguriga oo dabcay(relaxation of lower esophageal sphinector) .
Hadaba maxa kugu keenaya in xidhaha hoose /albabka hungurigu uu dabco kadib aysiidhi caloosha kujirtay dib uso noqoto islamarkana ay laab olol iyo laab xanun ba kugu keento?
Wax yaabaha kugu keenaya waxa u h**eeye miisaankaga oo badan iyo caloosha buuran (xanuun kan waxa si dabici ah loogu arka dumarka uur kaleh)
Shaaha, coffee ga, chocolate ka, sigaarka,alcohol ka, sharabada soodhaha leh(cola drinks), hilibka baruur ta leh,uurka, cuntooyinka basbaas ka leh iyo kuwa la shiilay ba sido kale dawooyinka qaar oo loo qaato daawaynta xanuuno kale sida xiiqda iyo hurdo la,anta aya xaaladada sii xumayn kara.
Xanun kan dawo maloo haya? Haah waxa lagu dawayn karaa saddex shayba iyado ay ku xidhan tay heerka uu xanun kaagu marayo
1.inad qaab nololeed kaaga wax ka badasho sida cuntadada iyo miisanka(life style modification) waana qodobka ugu muhiimsan.
2. Inad kiniino qaadato .
3.Inaad qalliin gasho haddi ay isku dayada kale oo dhan fashil maan.
Habka daawaynta ee ugu muhiimsan ee ugu wax ku ool-san islamarkaan aad dawo iyo qaliin ba kaga baaqan karta waa adigoo life style kaaga wax ka badala talooyinka aan soo ururiyay een siin laha qof laab-olol ka cabanaya waa kuwan :-
1. Miisaanka iska rid haddu kugu badan yay waliba baruurta caloosha iska jar (sababto ah waxay cadadis badan ku haysa calosha cuntada waxayna keenaysa in xidhuhu furmo(sphinector)
2. Hadaad sigaarka cabto iyo sharabada kulul iska jooji
3. Kala baro cuntooyinka oo dhug u yeelo kana fogow cuntooyinka kugu kicinaya laab-olol ka sida bunka, shaaha, chocolate ka iyo cuntoyinka basbaaska leh
4. Markaad cuntada cunto markiiba ha jiifsan ee ugu yaran 2 saac xilliga hurdada ama jiifka ka hor sii cun cuntada
5. Haddi aad maryo kugu dhejisan xidhato u badalo maryo aan ku hayn(kugu tol-nayn)
6. Haddi aad marxalad stress iyo mushkilad kugu furantay la tacaal
7. Cuntada markad cunayso si miyir ah u cun u fadhiiso oo sifiican u calaali
8. Biyo badan cab ugu yaran 2L/day
9. Cuntadaada ubadi cuntada baal ka leh iyo khudrada daray ga ah ee la cuno
10. Ugu dambayn haddi is badalada aad samaysay kuu shaqayn waayan dhakhtar kaaga la xidhiidh oo kala tasho hababka kale ee ku suurto galka ah inaad xanunkan iskaga dawayso.
**ayslafahamnay😉
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the public figure
Telephone
Website
Address
Burco