Sultan Sacad Samawade

Sultan Sacad Samawade

Share

this page contains information about our sports and fitness centres

05/04/2024

• Illaahoow Ada Weyn Adaa Waara
Keligaaye
Adigaan Walaal Iyo Tol Iyo Wehel U
Baahnayne

• Adigaa Waxan Kaa codsado Waayey Odhanayne

• Wejigaaga Uun Baan Baryada Weli La Joogaaye

• Wadaadadu Dartaa Bay Kitaab Ula
Wareegaane

• Weysada Dartaa Bay Garbaha Ugu
Walwaalane

• Watiin Iyo Dartaa Buu Waleyl Shiikhu
Weriyaaye

• Adiguu Waraabuhu Xitaa Kuu
Werdinayaaye

• Adigaan Si Waadixa Gacmaha Kuugu Soo Wadhaye

• Werwer-Tire Illaahoow Adaan Kaa War Sugayaa.

Sultan Sacad

03/08/2023

اللهم صلي على سيدنا وحبيبنا ونبينا محمد صلى الله عليه وسلم

28/06/2023

Ciid Wanagsan

19/04/2023

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم في غزوة التبوك
من جَهَّز جيش العُسْرة فله الجنة.
Xiliya adag ee ay jiraan colaadaha, abaaraha, Sicir bararka iyo wax yaabaha fara badan ee kala dhantaala nolosha aadanaha waa fursad aad u qaaliya fursadaa oo uu helayo qof walba oo marka wixii awoodiisa ah oo wanaag ah ka gaysta.

Xilligan aynu maanta joogno dalkeena iyo dadkeeniba waxa halakeeyey abaaro iyo sicir barar kuwaas oo dhulka la galay bulshadi awalba ladaala dhacayaysay duruuftooda asaasiga ah.

Xiligan oo kale dadkeena ladani waxay ku fekeraan sidee uga Faa'idna duruuftan adag ee dadka haysata wax walbana waxay isku dayayaan in ay ka dhigan laba jibaar si faa'idadu ugu noqoto laba jibbaar.

Laakin xiligan oo kale saxaabadi iyo dadka saalixiinta aha waxay uvkala dheerayn jireen siday wax walba gacan uga gaysan lahaayen ilaahayna ay uga ga bedelan lahaayen jano iyo Illaahay raali ahaanshihiisa.

Faa'idada shay aad dul saarata waa wax kooban oo kaa dhamaanaysa laakin u dhimrinta iyo u naxariisashada aad u samaysid bulshadaada daciifka ahi waxad ka helaysa raali ahaanshiyaha ilaahay jano qaaliya iyo barako joogta ah.

Aynu ka fekerno ilaahay agtiisa faa'idada taala oo aynu isu dhimrino waqtigan adag iyada oo waliba inoo sii dheertahay fadliga bishan barakaysan ee Ramadaanta.

Maanta waxa liibaanay qofkii wax bixiya kii maciishadisa jabiya iyo kii welwel iyo murugo ka dulqaada walaalkiisa duruufaysan.

Ramadaan Mubaarak.

Want your business to be the top-listed Travel Agency in Burco?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Burco